Home Wararka Caalamka 24 saac oo lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza

24 saac oo lagu kordhiyay heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza

by Laacib

Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ayaa ku heshiiyay in hal maalin lagu kordhiyo heshiiska xabad joojinta ee Marinka Gaza iyo is dhaafsiga maxaabiista ee labada dhinac.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in dhinacyadu ay gaareen heshiis maanta oo Khamiista ah lagu kordhinayo xabad joojinta bani’aadantinimo.

“Halka maalin ee lagu kordhiyay xabad joojinta, waxay ku sii socon doontaa isla shuruudihii hore ee xabad joojinta iyo gelitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, iyadoo Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Mareykanka ay sii wadaan dhexdhexaadinta wadajirka ah.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa sheegay in dowladuhu ay sii wadi doonaan dadaalada lagu doonayo buu yiri in lagu gaaro xabad joojin joogta ah.

Taliska Militariga Israel iyo Xoogaga Xamaas ayaa labaduba xaqiijiyay in ay isla qaateen in hal maalin lagu kordhiyo xabad joojinta.

Isniintii oo markii ugu horreysay lagu dhawaaqay muddo kordhinta xabad joojinta ayaa waxaa lagu kordhiyay laba maalmood, ka dib afar maalmood oo xabad joojin ku-meel-gaar ah ay ka jirtay Marinka Gaza, balse markan waa 24 saac oo keliya.

Tani ayaa muujineysa in is mari-waa adag uu ka taagan yahay qodobada miiska u saaran dhinacyada, si xabad joojintu ay u sii shaqeyso.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa ku biiray dadaalada dhexdhexaadinta, ka dib markii xalay uu gaaray Magaalada Tel Aviv.

Wasiir Blinken ayaa Khamiistan kulamo la leh Madaxda Maamulka Israel, si Tel Aviv loogu cadaadiyo in ay tanaasul sameyso, si heshiiskaasi uu u sii socdo.

Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa isna Madaxda Xamaas culeys ku saari doona in dhankoodana ay tanaasul muujiyaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii sheegtay in Xukuumadda Doha ay daneynayso in muddada xabad joojinta ay noqoto mid si joogto ah u sii socota

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc