Home Dhacdooyin 27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Muraale ee Gobolka Shabellaha Hoose

27 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay deegaanka Muraale ee Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Inta la xaqiijiyay 27 qof ayaa ku dhintay qarax weyn oo Jimcihii ka dhacay deegaanka Muraale, oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dadka ku dhintay qaraxan oo u badan kuwo isu qoys ahaa ayaa isugu jira carruur iyo dad waaweyn.

Carruurta ay dhalleen mid ka mida qoysaska deegaanka ayaa la sheegay in aaladdaan qaraxda ay ka soo heleen dhulka miyiga, markii dambena ay dhanka gurigooda u soo qaadeen.

Waalidiinta carruurta oo aanan fahamsanayn halista aaladdaasi qaraxda ayaa la sheegay inay dhigteen jikada guriga ee cuntada lagu karsado, ka hor intii aanay sida lama fillaanka ahayd ugu qarxin.

Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Alcadaala), Gudoomiyaha deegaanka Janaale oo Muraale ay hoostagto ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 27 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacantay. 15 ka mid ah dadka dhaawacmay ayuu sheegay in la kala geeyay Degmada Qoryooley iyo deegaanka Shalambood, tiro kale oo dhaawacyo fudud qabana ay ku harayn deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in walaxdan ay u muuqatay mid la doonayay in lala beegsado maleeshiyada Al Shabaab ah, balse aanan qarxin.

“Qarax bam caadi ah ma ahayn ee wuxuu ahaa wax la tuuray ama diyaarad ha tuurto ama ha tuuraan Ciidamada ATMIS, wax loogu talagalay in guuto Al Shabaab ah lagu dhufto, ugu yaraana ay ku baaba’aan ayuu ahaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo VOA la hadlay.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Sida hadda aan qiyaasnay ama gantaal ayuu noqon karaa ama BM ayuu noqon karaa. Marka waxaas dhimashada badan keenay ee tuulada ka dhacday foolkaanadaasaa saameysay.”

Inta badan haraadiga walxaha qarxa ayaa dhibaato ku haya dadka ku dhaqan goobaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Dhacdadan ka dhacday Muraale ayaa noqoneyso, tii ugu dhimashada badneyd ee dalka laga soo wariyo, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee Militariga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc