Home Dhacdooyin 288 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka India

288 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay dalka India

by Laacib

Inta la xaqiijiyay 288 qof ayaa ku dhintay, 900 oo kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii laba tareen ay isku dhaceen bariga dalka India.

Shilka oo saacadihii dambe ee Jimcihii ka dhacay Gobolka Odisha ayaa la sheegay inuu yimid, ka gadaal markii mid ka mida tareenada uu ka baxay dhabihii uu ka socday, ka hor inta aanu ku dhicin midka kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in tareenada shilka galay ay kala yihiin Coromandel Express iyo Howrah Superfast Express.

Xoghayaha Guud ee Gobolka Odisha, Pradeep Jena ayaa sheegay in 200 oo gaadiidka ambulance-ka ah loo diray goobta uu shilku ka dhacay.

Maamuleyaasha ayaa sheegaya in khasaaraha uu ka badan karo, inta hadda la ogyahay.

Narendra Modi, Raysal Wasaaraha India ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay shilkaasi tareen, isla-markaana uu murugada la qaybsanayo qoysaska dhibaneyaasha.

Shilkan ayaa noqonaya kiisii ugu xumaa ee qarnigan ka dhaca dalkaasi ku yaala Koonfurta Asia.

Shilkii tareen ee ugu xumaa ee India ka dhaca ayaa ahaa midkii bartamihii sanadkii 1981-kii ka dhacay Gobolka Bihar, oo ay ku dhinteen in ka badan 750 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc