Home Wararka Maanta ATMIS oo laba saldhig oo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

ATMIS oo laba saldhig oo kale ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa laba saldhig oo hor leh ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka, tani oo qayb ka ah qorshaha ay Ciidanka Xoogga Dalka kula wareegayaan amniga dalka.

Taliska Hawlgalka ATMIS ayaa 21-kii bishan shaaciyay in uu bilowday qorshaha lagu dhimayo amaba yareynayo tirada ciidamada, si waafaqsan qaraarka Qaramada Midoobey ee sheegaya in ATMIS ay daba-yaaqada bishan 2,000 oo askari kala baxdo dalka.

Taliska ATMIS ayaa Talaadadii shalay Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejiyay xeradoodii Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo xeradii kale, ee ay ku lahaayeen deegaanka Arbacow oo Magaalada Muqdisho ka xiga dhanka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Militariga Burundi ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay deganaa xerada Cadale, halka xerada Arbacow ay muddo 12 sano ah ka hawlgelayaan Ciidanka Difaaca Uganda, iyadoo labada ciidanba ay qayb ka yihiin Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmo ka hor la wareegay laba saldhig oo sidoo kale ay Ciidanka ATMIS ku lahaayeen Gobolka Shabellaha Dhexe. Saldhigyadaasi ayaana ku kala yaala deegaanada Xaaji Cali iyo Miirtaqwa.

Ciidanka ATMIS ayuu qorshuhu yahay inay amniga Somaliya ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka, dhammaadka sanadka soo socda ee 2024.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc