Home Wararka Caalamka Mareykanka oo walaac ka muujiyay go’aanka Ruushka ku diiday dhoofinta badarka Ukraine

Mareykanka oo walaac ka muujiyay go’aanka Ruushka ku diiday dhoofinta badarka Ukraine

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay tallaabada uu Ruushku ku diiday in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiska dibadda loogu dhoofiyo badarka Ukraine.

War ka soo baxay Aqalka Cad Mareykanka ayaa lagu sheegay in tani ay kaga sii dari doonto xaaladda cunno yarida ee dunida ka jirta.

Warka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay caqabad ku tahay dadaaladii kaalmada bani’aadanimo lagu gaarsiin jiray mallaayiin qof oo gaajeysan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa go’aanka Ruushka ku tilmaamay mid aan laga fiirsan, isagoo dhanka kalena sheegay in Moscow ay badarka Ukraine u adeegsaneyso sida hub oo kale.

Afhayeenka Aqalka Kremlinka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in diidmada Moscow ay ka dhalatay fulin la’aanta ballanqaadyo loo sameeyay, oo ku aaddanaa fududeynta dhoofinta wax soosaarka beeraha Ruushka iyo weliba waxyaabaha loo isticmaalo bacriminta beeraha.

Afhayeenka ayaa sheegay in Moscow ay heshiiska ku soo laaban doonto, marka Ruushka loo ogolaado waxa uu doonayo.

“Marka la fuliyo inta naga khuseysa heshiiska ayuu Ruushku dib ugu soo noqon doonnaa, welibana si degdeg ah.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Heshiiska oo Isniintii shalay ku ekaa ayay Ruushka iyo Ukraine gaareen 22-kii bishii July ee sanadkii hore, iyadoona ay garwadeen ka ahaayeen Turkiga iyo Qaramada Midoobey.

Muddadii uu heshiisku socday Ukraine ayaa ku guuleysatay in qamadigeeda ay ka dhoofiso Dekedda Odessa ee Badda Madow.

Heshiiska ayaa Ukraine ka taageeray in ay dibadda u iibgeyso tacabkeeda beeraha, wax lagu sheegay boqolkiiba sideetan (80%).

Ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine, Moscow ayaa joojisay in dibadda loo iibgeeyo tacabka beeraha ee dalkaasi, inkastoo billo ka dib ay fasaxday, markaas oo dhinacyadu ay heshiiska ku gaareen Magaalada Istanbul.

Ukraine ayaa hadda u muuqato mid aan awoodi doonin dhoofinta wax soosaarkeeda beeraha, haddii maraakiibta dagaalka Ruushka ay ku hareereysan yihiin dekedaha dalkaasi ee dhaca Badda Madow.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc