Home Wararka Maanta 5 nin oo lagu eedeeyay inay weerar damacsanaayeen oo lagu qabtay Baraawe (SAWIRRO)

5 nin oo lagu eedeeyay inay weerar damacsanaayeen oo lagu qabtay Baraawe (SAWIRRO)

by Laacib

Raggan oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al Shabaab ayaa Talaadadii lagu xiray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ee degmadaasi ayaa siyaabooyin kala duwan gacanta ugu soo dhigay raggaasi.

Wararka ayaa sheegaya in 4 ka mid ah ay ciidamadu ka soo qabteen guri ku yaala duleedka degmadaasi, saacad ka dibna ay gacanta ku soo dhigeen ninka 5aad.

Ciidamada ayaa hadda raggan ku haya xarumaha laamaha amniga ku leeyihiin magaalo xeebaadkaasi, waxaana hawlgalka lagu soo qabtay horkacayay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee Degmada Baraawe, Kabtan Cumar Cabdullaahi Yaallow.

Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in xubnaha gacanta lagu soo dhigay ay qorsheynayeen inay weeraro ka gaystaan degmadaasi, balse ay ciidamadu xogtoodu heleen, isla-markaana ay ka hortaggeen dhagartii ay maleygayeen.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda ee degmadaasi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in NISA ay ka go’an tahay inay xaqiijiso amniga Baraawe.

Baraawe ayaa waxaa ku sugan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Hawlgalka lagu soo qabtay raggaasi ayaa imaanaya maalmo uun ka dib, ka gadaal markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar cagmarin ah ku qaadeen Xeradii Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc