Home Wararka Maanta 79 qof oo muhaajiriin ah oo ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Gariiga

79 qof oo muhaajiriin ah oo ku dhintay dooni ku degtay xeebaha Gariiga

by Laacib

Mid ka mida masiibadii ugu xumeyd ee ay wajahaan dadka tahriibeyaasha ayaa Arbacadii ka dhacday xeebaha dalka Gariiga, markii dooni ay la socdeen dad muhaajiriin ah ay ku degtay xeebaha koonfureed ee dalkaasi.

Dadkan ayaa la socday dooni nooca waaweyn oo ka ambabaxday xeebaha dalka Liibiya, iyagoona ku sii jeeday dalka Talyaaniga, halkaas oo ay naawilayeen in ay dib u dejin ka heli doonaan.

Dowladda Gariiga ayaa xaqiijisay illaa iyo hadda inta la ogyahay inay masiibadaasi ku dhimatay 79 qof, halka 104 kalena ay kooxaha gurmadka soo badbaadiyeen. Dadka la soo badbaadiyay ayaa u dhashay dalalka Masar, Suuriya, Pakistan, Afghanistan iyo Falastiiniyiin.

Loannis Zafiropoulos, Kuxigeenka Duqa Magaalada Kalamata, halkaas oo la geeyay muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa sheegay inay xogta ku hayaan in doonida ay la socdeen in ka badan 500 oo qof.

Saraakiisha Ilaalada Xeebaha Gariiga ayaa sheegay inay suurtagal tahay inay dhinteen dadka la la’yahay.

Afhayeen u hadlay Ilaalada Xeebaha Gariiga oo lagu magacaabo Nikos Alexiou ayaa tani ku sheegay masiibadii ugu weyneyd ee ka dhacda Badda Dhexe (Mediterranean-ka).

Muuqaalo laga qaaday, ka hor inta aysan degan doonidaas oo ahayd nooca kalluumeysiga ayaa muujinaya dad aad u tiro badan oo daboolay sagxad kasta oo dusha doonidaasi ka mid ah.

Illaa lix markab oo ay leeyihiin Ilaalada Xeebaha Gariiga, diyaarado helicoptero ah oo Ciidanka Cirka ee dalkaasi ay leeyihiin iyo maraakiib kale oo shisheeye ayaa ka qayb qaadanaya howlaha gurmadka ee lagu soo badbaadinayo dadka qarsoomay.

Dowladda Gariiga ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq ah, oo calanka dalkaasina hoos loogu dhigayo.

Gariiga waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida marinada ugu muhiimsan ee ay adeegsadaan muhaajiriinta ka imaanaya Bariga Dhexe, koonfurta Asia iyo Afrika ee gaaraya Yurubta Galbeedka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc