Home Wararka Maanta Aabe iyo carruur uu dhalay oo ku dhintay qarax ka dhacay guri ku yaala duleedka Muqdisho

Aabe iyo carruur uu dhalay oo ku dhintay qarax ka dhacay guri ku yaala duleedka Muqdisho

by Laacib

Qarax xoogan ayaa xalay ka dhacay guri ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoona ay ku dhinteen saddex qof oo uu ku jiro aabihii reerka, halka haweeney kale oo loo maleynayo hooyadii qoyska ay iyana ku dhaawacantay.

Ciidamada amniga ayaa gaaray guriga uu qaraxu ka dhacay oo jiingad ka sameysnaa, waxayna goobta ugu taggeen meydadka aabihii reerka, laba canug oo uu dhalay iyo dhaawaca haweeneydaasi.

Ciidamada ayaa goobta ka qaaday dhaawaca haweeneydaasi, oo hadda lagu dabiibayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa mid ay Al Shaaab ku diyaarineysay gurigaasi .

“Waxay ahayd dhacdo masiibo ah oo kooxaha nabadiidka ay gudahooda isku sameeyeen oo ka dhacday Ceelasha Biyaha, gaar ahaan agagaarka Shaakir.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Guriga oo lagu farsameynayay miino gacan ku sameys ah ayaa ku qaraxday shakhsigii sameynayay, waxaase aad uga xunahay miinadaasi inay saameysay qoyskii lagu dhex sameynayay, oo ay ka mid yihiin labadii carruur ah ee uu asagu dhalay oo guriga dhex joogay oo carruur yaryar oo saqiiro ah ay goobta ku dhinteen, isagiina uu ku dhintay iyo shakhsi dumar ah oo guriga ka tirsan oo iyadoo dhaawac ah la soo qaaday.”

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa tilmaamay in qaraxu uu ahaa mid la doonayay in lagu dhibaateeyo bulshada Soomaaliyeed, balse uu Alle iyagii (Shabaab) uu dib ugu celiyay dhagartii ay u maleygayeen sida uu yiri bulshada.

“Waxa la farsameynayay wuxuu ahaa qarax miino oo la rabay in lagu dhibaateeyo bulshada, balse Ilaahay (SWT) Khawaarijkii rabay inuu ku dhibaateeyo bulshada uu isagii ku celiyay.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska.

Mar uu ka hadlayay caddeymaha ay u hayaan in qaraxa lagu diyaarinayay gurigaasi ayuu yiri “Guriga waxaa laga soo helay agabka qaraxyada laga sameeyo, sida moobeeladii, fiilooyinkii iyo haamihii yaryaraa. Marka waa wax lagu sameynayay.”

Waxa uu intaasi raaciyay “Isla guriga ay wax ka dhaceen waxaa laga soo helay mooto bajaaj oo dhex taalay, oo ah tii qaraxyada lagu qaadi jiray. Gurigu wuxuu ahaa guri marin looga dhigo waxyaabaha qarxa ee lagu dhibaateeyo dadka magaalada, gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha.”

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku celiyay, sida ay uga xun yihiin carruurta aan waxba galabsan ee ku dhimatay qaraxaasi.

Afhayeenka ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dadka ay guryahooda ka kireynayaan, isla-markaana ay ogaadaan in qaraxan iyo wax la mid ahba ay ku samayn karaan, dadka aysan ka warqabin ee guryaha ka degan.

“Waxaan leenahay bulshada Soomaaliyeed tani aad ha ugu baraarugaan in dadka guryaha laga kireynayo ee aan la ogeyn waxa ay sameynayaan in waxaan iyo wax la mid ah ay samayn karaan in la ogaadaa rabnaa.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Qaraxan ayaa jugtiisa laga maqlay qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo weliba Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Muuqaalada laga soo qaaday guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa laga arki karay dadka dhintay oo si xun ay hilbahooda ugu go’go’een.

Marar badan oo hore ayay guryo ku yaala Muqdisho iyo duleedyadeedaba ay uga dhaceen qaraxyo la sheegay in lagu diyaarinayay, isla-markaana ay ku dhinteen dadkii ku howlanaa sameyntooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc