Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Garoowe

Aadan Madoobe oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka Garoowe

by Laacib

Kusimaha Madaxweynaha Somaliya ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo sida uu yiri rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda Magaalada Garoowe.

Gudoomiyaha ayaa qoraal ku sheegay in dagaalku aanu xal u ahayn khilaafka siyaasadeed ee jira, isagoona Odayaasha Dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ugu baaqay in ay qaataan doorkooda kaga aaddan daminta buu yiri colaadda, lagana shaqeeyo xasilloonida deegaanka.

Gudoomiyaha ayaa ku taliyay in wax kastoo lagu kala aragti duwan yahay lagu xaliyo miiska wada hadalka, iyadoo la dhowrayo sida uu yiri nabadda, isla-markaana aan la barakicin shacabka.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa inta dagaalka ku dhimatay Alle uga baryay in uu naxariistiisii janno siiyo, inta ku dhaawacantay uu caafimaadka degdeg ahi siiyo.

Dagaalka barqanimadii maanta ka qarxay Magaalada Garoowe ayaa u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo kale oo ka amar-qaata siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa iska la baxay magaalada, kuwaa oo dagaal aan xooganayn uu hadda ku dhex marayo duleedka magaaladaasi.

Saddex iyo toban qof oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, illaa labaatan kalena ay ku dhaawacmeen. Ma cadda khasaaraha gaaray ciidamada uu dagaalku u dhaxeeyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc