Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda

Aadan Madoobe oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in Gudoomiyuhu uu Taliyeyaasha ka dhageystay warbixino la xiriira guulaha laga gaaray dagaalka lagu la jiro Al Shabaab iyo sugidda amniga ee dalka.

“Waxaa kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha amniga guud ee dalka iyo ka hortagga dhagarta Khawaarijta.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ay laba nin ku dileen xaasaskooda, kana kala dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhacdada ka dhacday Caasimadda Muqdisho ayuu nin dhallinyaro ah ku gubay xaaskiisii, oo markii dambe isbitaalka ugu geeriyootay dhaawicii ka soo gaaray dabkaasi. Ninkan ayaana baxsad ku maqan.

Dhacdada kale ee ka dhacday Degmada Qoryooley ayaa la sheegay in nin askari ahi uu toorey ku dilay afadii u dhaxeysay. Ciidamada amniga ayaana ku guuleystay in ay askarigaasi gacanta ku soo dhigaan.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Taliska Booliska faray in sharciga la horkeeno eedeysaneyaasha, isla-markaana ay caddaaladda wajahaan.

Luul Cabdicasiis ayaa ahayd hooyo xaamilo ah, iyadoona hadda korsaneysay carruur agoon ah oo aabahood uu ka geeriyooday. Marxuumadda ayaa Khamiistii isbitaalka ugu geeriyootay waxyeeladii uu dabka u gaystay.

Dhacdooyinka xanuunka badan ee bulshada dhexdeeda ah ayaa in muddo ahba ku soo laalaabtay dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc