Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo qaabilay guddoonkii hore ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Aadan Madoobe oo qaabilay guddoonkii hore ee Golaha Shacabka (SAWIRRO)

by Laacib

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa la kulmay Gudoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa guddoonkii hore ee Golaha Shacabka casho sharaf ugu sameeyay hoyga u ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

“Masuuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaaladda dalka, gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Aadan Madoobe.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Aadan Maxamed Nuur ayaa guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay, sida ay u soo ajiibeen kulankan casho sharafta ah.”

Guddoonkii hore ee Golaha Shacabka ayaa Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalay shirkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isugu yeeray madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka qaarkood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc