Home Wararka Maanta Abaabul ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

Abaabul ciidan oo ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa sii wada abaabulkiisa iyo diyaargarowga ciidan ee maalmihii ugu dambeysay uu ka waday Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabelle oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Jimcihii gaaray deegaanka Guulane ee gobolkaasi.

Masuuliyiinta ayaa halkaasi u tegay abaabulka dadka deegaanka ee la doonayo in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo fagaare kula hadlayay boqolaal ka mid ah dadka deegaanka ayaa marka hore ku booriyay, sida ay ugu taagan yihiin la dagaalanka maleeshiyadaasi, iyadoo Guulane ay ka mid tahay deegaanada wejigii hore ee hawlgalka laga saaray Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa dadka reer Guulane ugu baaqay in ay u soo baxaan dagaal uu sheegay in lagu dhameystirayo cadowga dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in hub iyo rasaasba uu gaarsiiyay xoogaga deegaanka ee Guulane, waana xilli deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug laga bilaabay diiwaangelinta Macawiisleyda, si ay Dowladda Federaalka ugu bilowdo mushaar iyo gunno joogto ah.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo damacsan in jihooyin kala duwan dagaal looga furo Al Shabaab ayaa dadka reer Shabellaha Dhexe ku jiheynaya dagaal colkaasi lagaga saarayo daanta galbeed ee gobolkaasi.

Istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga ayaa ah in lugaha la isugu dhufto Shabaabka ka hawlgala labada maamul ee dhaca bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc