Home Wararka Maanta Abaabul iyo diyaargarow ballaaran oo ka jira Gobolada Dhexe

Abaabul iyo diyaargarow ballaaran oo ka jira Gobolada Dhexe

by Laacib

Waxaa si dardar leh deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug uga soconaya abaabulka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la doonayo in ay soo afjaraan maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala Gobolada Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu heer geba-gabo ah u marayo qorshaha dib loogu abaabulayo ciidamada, mar dhown ay furimaha ku dhaqaaqi doonaan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Taliska Militariga uu bedelay ciidamadii muddada sanadka ah ku sugnaa jiidda hore, isla-markaana uu ku soo bedelay kuwo cusub oo dhawaan dalka dibaddiisa tababar ku soo dhameystay.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Taliska Ciidanka uu wado qorshe la doonayo in si degdeg ah ay ciidamadu is bedel uga dhaliyaan goobta dagaalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo siyaasiyiinta labada maamul ayaa door weyn ka qaadanaya abaabulka xoogaga deegaanka ee lagu wado in ay la hawlgalaan Ciidamada Qalabka Sida.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadan ay ka jawaabayaan dhalleeceyn kaga timid Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegayo in uu ku dhaliilay in aanay kaalintoodii ka soo bixin.

Madaxweynaha oo muddo bil ahi ku sugan Gobolada Dhexe ayaa bulshada deegaanka ku wacyigelinaya, sida ay lagama maarmaanka u tahay in ay iska dulqaadaan kooxaha argagixisada.

Saraakiisha ayaa sheegaya in abaabulka iyo diyaargarowga ciidan ee hadda jira uu ka saamayn badnaan doono midkii billihii la soo dhaafay ka jiray deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Saraakiishu waxay sheegayaan in istiraatiijiyadda dagaal ee la dejiyay ay ciidamadu isugu furi doonaan waddooyinka tuulooyinka, deegaanada iyo degmooyinka, si inta u dhaxeyso looga kiciyo maleeshiyadaasi.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamada ayay tahay in ay soo afjaraan Shabaabka gabaadka ka dhiganaya dhulka fogfog, si looga hortaggo weerarada ay caanka ku yihiin ee ku dhufo oo ka dhaqaaq iyo go’doominta ay ku sameeyaan dhulka laga saaro.

Tani ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo amniga magaalooyinka iyo deegaanada istiraatiijiga ah, ciidamaduna ay inta hawlgalka ku jiraan u helaan wadiiqooyin saadka iyo sahayda loo soo mariyo.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo la sheegayo in loo madaxbannaaneeyay hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa jihooyin badan guluf ballaaran kaga furi doono Shabaabka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waana bilowga qorshaha dagaal ee ay ciidamadu dib ugu laabanayaan aagaggii ay toddobaadkii hore soo banneeyeen ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bartamaha dalka u jooga dardargelinta wareegga hore ee wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc