Home Wararka Maanta Abiy Ahmed oo ka hadlay xiisadda dalkiisa kala dhaxeysa Somaliya

Abiy Ahmed oo ka hadlay xiisadda dalkiisa kala dhaxeysa Somaliya

by Laacib

Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay xiisadda dalkiisa kala dhaxeysa Somaliya, isagoona sheegay in Itoobiya aysan dagaal la geli doonin dalka ay deriska yihiin ee Somaliya.

Xiisaddan ayaa si weyn looga dareemay gobolka, ka dib heshiiskii is afgaradka ahaa ee Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishan ku gaareen Magaalada Addis Ababa. Heshiiska ayaa Itoobiya u ogolanaya in bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

“Somaliya iyo Itoobiya wax dhib ah oo na dhex yaala ma jirto, waa walaalo, waa deris, waa qoys qura.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Khamiistii ka hadlayay shir afar maalmood socday oo xubnaha xisbigiisa ay ku yeesheen Caasimadda Addis Ababa.

Waxa uu sheegay in tobankii sano ee ugu dambeysay ay kumanaan Itoobiyaan ah naftooda u hurayn nabadda iyo xasilloonida Somaliya.

“Toban sano ka hor kumanaan Itoobiyaan ah ayaa naftooda u huray oo u geeriyooday xasillinta gudahooda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo intaa raaciyay “Ma jirto dowlad, sida Itoobiya ay nafta ugu hurtay Somaliya, ugu hurtay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladdiisu aysan dhibaato ku ahayn Somaliya, isla-markaana aysan jiri karin wax kale oo xurguf ka dhex abuuri kara labada dhinac.

“Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ma jiraan wax noo dhaxeen kara, oo na dhex dhigi kara xurguf iyo colaad.” Ayuu yiri Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay in Addis Ababa ay aaminsan tahay midnimada Somaliya, isla-markaana ay gacan ka gaysatay, sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

“Marka ay noqoto midnimada Somaliya, waxaan u ahayn kuwa isu taagay, sidii ay u xalin lahaayeen, isuguna soo dhaweyn lahaayeen labada gobol, una wada hadashiin lahaayeen.” Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi waxay tiraba laba jeer ay isku arkayn Itoobiya iyo Jabuuti, si aan u wada hadashiinana waan ka shaqeynay dadaalkaas. Sidoo kalena Kenya iyo Somaliya murankii dhexdooda ahaa, waxaan ahayn dowladdii dhexdhexaadineysay. Maxaan dhibaatadaasi uga hortagaynaa? Sababtoo ah dhibta Kenya ku dhacdaa, waa mid nagu dhacaysa. Sidoo kalena dhibaatada Somaliya ku dhacdaa, waa mid na saameynaysa.”

Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo (Prosperity Party) ee talada dalkaasi haya ayaa shalay soo saaray qaraar ay ku sheegayaan in heshiiska is afgaradka ah ee Itoobiya iyo Somaliland loo bedelo mid shaqayn kara, kuna saleysan mabaa’diida wax is dhaafsi ee dalalka deriska ah.

Qaraarka laguma caddeyn in Itoobiya ay arrintan wada xaajood kala sameynayso Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo in kale.

Heshiiskan ayaa Geeska Afrika ka abuuray muran xoog leh, heer ay soo fara-geliyeen quwadaha waaweyn, oo qaarkood walaac ka muujiyay xaaladda cakiran ee ka dhex taagan labada dal.

Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Addis Ababa ayaa dunida kala kulantay cadaadis diblomaasiyadeed, oo looga dalbanayo in ay dib uga istaagto heshiiska is afgaradka ah ee ay la gaartay Somaliland, kaas oo gobolka ka dhaliyay xiisad culus oo siyaasadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc