Home Wararka Caalamka Abu Obaida oo ka hadlay dagaalka Gaza iyo khasaarihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Israel

Abu Obaida oo ka hadlay dagaalka Gaza iyo khasaarihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Israel

by Laacib

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam, Abu Obaida ayaa xalay sheegay in 4-tii maalmood ee ugu dambeysay ay xoogaga wax iska caabinta burburiyeen 71 ka mid ah gawaarida Ciidamada Israel, oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka oo taangiyadana ay qayb ka yihiin.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in xoogagooda ay sidoo kale dagaalka ku dileen inta ay ogyihiin 16 askari, tobanaan kalena ay ku dhaawaceen.

Abu Obaida ayaa qoraal uu ku saxiixnaa ku sheegay in Xoogaga Al-Qassam ay 42 hawlgal, oo ay ka fuliyeen meelo ka mid ah Marinka Gaza ah inay ku bartilmaameedsadeen Ciidamada Israel iyo gaadiidkoodaba, isla-markaana ay ku weerareen gantaalaha garbaha laga tuuro, hoobiyeyaal iyo miinooyin, ciidamadaasina in qaarkood lagu beegsaday sida uu yiri laba guri oo ay ku jireen, oo lagu burburiyay.

Abu Obaida ayaa intaasi ku daray in dagaal-yahanadooda ay soo rideen diyaarad Helicopter ah, oo ay lahaayeen Militariga Israel.

Dhanka kale barta Al-Qassam ee Telegram-ka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israel dib looga riixay goobihii ay ku qabsadeen dagaalka ka socda deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Gaza.

Al-Qassam ayaa sheegtay in Ciidamada Israel oo si dhib badan ku qabsaday goobahaasi ay ugu dambayn ku khasbanaadeen inay dib uga gurtaan, ka dib iska caabin adag oo ay kala kulmeen xoogaga wax iska caabinta.

Warbaahinta laga leeyahay Israel ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay ay diyaarado Helicoptero ah dhulka Israel soo gaarsiiyeen dhaawacyada 24 askari.

Dhowr guuto oo Ciidamada Israel ah ayaa ka dagaalamaya deegaanka Khan Yunis, iyagoona ku xirmi la’ ciidamadooda kale ee ka dagaalamaya bartamaha Gaza.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in dagaalka Khan Yunis uu fure u yahay qorshaha dagaal ee lagaga takhalusayo Ururka Xamaas.

Wasiirka ayaa ku goodiyay in wax kasta oo ay ku qaadataba in ay sii wadi doonaan dagaalka, illaa iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda, oo ah burburinta Xamaas, in ay soo furtaan la haysteyaasha iyo in Gaza ay noqoto meel aan mustaqbalka khatar amni ku ahayn Israel.

Israel oo saddex bilood dagaal kula jirta Xamaas ayaa waxaa muuqata inaysan ciidamadeeda illaa iyo hadda wax natiijo ah ka gaarin dagaalkan, oo noqonaya kiisii ugu adkaa ee ay ciidankeedu ka galaan Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc