Home Wararka Maanta Abu Obaida oo sheegay inaysan wax tanaasul ah ka samayn doonin wada hadalada

Abu Obaida oo sheegay inaysan wax tanaasul ah ka samayn doonin wada hadalada

by Laacib

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam, Abu Obaida ayaa sheegay in dagaalka ka socda Gaza uu gelayo bishii 6aad, isagoona Israel ku eedeeyay in ay xasuuq arxan-darro ah ku hayso dadka reer Gaza.

“Maamulka Sahyuuniyadda ayaa wada xasuuq dhab ah oo midkii Naasiga oo kale ah, kana dhan ah shacabkayaga.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in shuruucda caalamiga ah ay yihiin kuwo aan waxba tareynin, oo sida uu yiri aan waxba u qabaneynin dadka xoogga lagu haysto iyo weliba qiyamka bani’aadantinimada, Falastiiniyiintuna ay wajahayaan xadgudubyo aan horey loo arag taariikhda, oo ay gayneyso buu yiri Sahyuuniyadda oo garab ka haysata Mareykanka.

“Shuruucda Beesha Caalamka waxaa weeye mid lagu ilaalinayo caddaalad darrada iyo gardarrada hoostagga Maamulka Mareykanka. Dagaalkani waxa uu gogol xaar u yahay marxalad cusub oo caalami ah, xuquuqahana ma ahan in lagu raadiyo wax aan awood ahayn.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Waxa kaloo uu yiri “Isla weynida Sahyuuniyadda waxay sare u kacday, markii ay timid dowladdii ugu xagjirsaneyd oo Naasigii oo kale ah, taas oo qorsheynaysay waxa ay hadda ka fulineyso Gaza.”

Abu Obaida ayaa Mareykanka ku dhaliilay inay si indho la’aan ah Israel ugu taageerayaan codka diidmada qayaxan, isla-markaana ay is hortaaggayaan qaraarada caalamiga ah ee looga dhiidhinayo gardarrada Israel.

“Gacan xaqdaran oo gariireysa ayaa kor u kaceysa Golaha Ammaanka, si ay u fashiliyaan isku day kasta, xitaa haddii la taageerayo kuwa dulman.” Ayuu yiri Abu Obaida oo ka falcelinayay Mareykanka oo 3 jeer Veto ku hor istaagay kulamadii Golaha Ammaanka, oo ay Qaramada Midoobey ku dalbaneysay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza iyo in gargaar macno leh la gaarsiiyo dadka rayidka ah.

Dhanka kale Abu Obaida ayaa sheegay in xoogaga waxba iska caabinta Falastiiniyiinta ay 154 maalmood la dagaalamayaan Israel, isla-markaana ay khasaare xoog leh u gaysteen saraakiisheeda iyo askarteeda, ayna burburiyeen qalabkooda.

Waxa uu intaasi ku daray in xoogaga wax iska caabinta ay haystaan kayd badan oo hub ah, oo u suurtagelineysa in dagaalka ay sii wadaan.

Isaga oo sii hadlayay ayuu ka dhawaajiyay in ay caddaatay in Israel ay ka shaqeynayso gorgortan buu yiri qiyaano iyo dhuumaaleysi ah, taas oo laga garan karo sida uu yiri jahwareerka ka dhex jira.

“Ma jirto wax tanaasul ah oo lagu dalbanayo joojinta gardarrada. Cadowga soo duulay nabad kuma joogi doono dhulka Falastiin, kumana guuleysan doonaan inay amni helaan, ka hor inta aysan dadkeennu helin xuquuqdooda.” Ayuu yiri Abu Obaida.

Abu Obaida, Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ayaa xusay in bisha Ramadan ay ku soo dhaweynayaan jihaad iyo adkeysi, iyadoo ay tahay buu yiri xilliga ay raggu faani karaan.

Abu Obaida ayaa xusay in muhiimadda ugu weyn ee iska caabinta, si loo gaaro maxaabiis is dhaafsi ay tahay in marka hore si buuxda loo joojiyo weerarada Ciidamada Israel iyo inay ka baxaan Gaza, tanina wuxuu sheegay inaysan wax tanaasul ah ka samayn doonin.

Hadalkiisan ayaa imaanaya, iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka sii socda Marinka Gaza, ka hor bisha barakaysan ee Ramadan.

Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeysay gadaal ka riixayay hindise muddo lix toddobaad ah lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, si dhinacyada ay maxaabiis is weydaarsi u sameeyaan, balse Xamaas ayaa ku adkeysaneysa in xabad joojintu noqoto mid waarta, Militariga Israel-na ay ku laabtaan halkii ay ka yimaadeen.

Washington ayaa la sheegaya in ay ka walaacsan tahay in bisha Ramadan ay curato, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc