Home Wararka Caalamka Abu Ubaida oo faah faahiyay khasaaraha Israel lagu gaarsiiyay dagaaladii ugu dambeeyay

Abu Ubaida oo faah faahiyay khasaaraha Israel lagu gaarsiiyay dagaaladii ugu dambeeyay

by Laacib

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam, Abu Ubaida ayaa cod uu xalay soo duubay kaga hadlay dagaalka ka socda qaybo ka mid ah Marinka Gaza.

Afhayeenka ayaa sheegay in kooxaha wax iska caabinta ay dagaal adag kula jiraan Ciidamada Israel ee ku soo duulay Marinka Gaza, isla-markaana ay si mug leh isaga caabinayaan.

Waxa uu sheegay inay khalad istiraatiiji ahayd hawlgalada militari ee ay Ciidamada Israel ka bilaabeen deegaanada Rafah, Al-Zeitoun iyo Jabalia, oo ku kala yaala koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, taas-na aad ka garan karto khasaaraha loogu gaystay ciidamadooda.

Taliska Militariga Israel ayaana Arbacadii ciidamadooda kala baxay Al-Zeitoun, ka dib maalmo ay dagaalo culus ka socdeen.

Abu Ubaida ayaa isagoo sii hadlayay sheegay in tobankii maalmood ee la soo dhaafay ay gubeen 100 ka mid ah gaadiidka Ciidamada Israel, oo ay ku jiraan taangiyadooda dagaalka.

Gaadiidka ugu badan ayuu sheegay inay uga gubeen deegaanka Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza, ka gadaal markii Sabtidii hore ay dib ugu soo laabteen deegaankaasi, isla-markaana ay dagaalka ku waayeen tobanaan askari.

“Xerada Jabalia waxay ahaan doontaa mid aan la jebin karin.” Ayuu yiri Abu Ubaida oo xusay in Israel ay hadda la kulmeyso, wax ka duwan sidii ay fileysay.

“Maamulka Sahyuuniyadda waxay aaminsanaayeen in haddii ay toddobo bilood ay ku burburiyaan dhulka ay la kulmi doonaan iska caabin yar, laakiin waxay la yaabeen inay mar kale dhexda uga jiraan cadaabta, ayna la kulmayaan iska caabin ka xoogan sidii hore.” Ayuu yiri Abu Ubaida.

Abu Ubaida ayaa hadalkiisa raaciyay “Cadowgu waxa uu qarinayaa inuu si sax ah u sheego khasaarihiisa, halka xogaha iska caabinta ee dagaalka ay muujinayaan in khasaaruhu uu aad u badan yahay, marka loo eego inta ay qiranayaan.”

Dhanka kale Abu Ubaida ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay dembiyadii ugu foosha xumaa ka gaysteen Marinka Gaza, marka aad eegto in si aan kala sooc lahayn ay u leynayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Cadowgu waxay Gaza ka gaysteen dembiyadii ugu foosha xumaa, waxayna ku faanayaan dembiyadaasi inay yihiin guulo militari, balse taasi cagsigeeda ay ku fashilmeen inay ka hortaggaan iska caabinta.” Ayuu yiri Abu Ubaida.

Mar kale ayuu yiri “Dagaalyahanadeennu waxay ciidamada cadowgu u gaysanayaan khasaare xoog leh, waxayna gaarsiiyeen heer ay niyad jabaan, halka hubkii Mareykanka uu siiyay loo adeegsado dabar-goynta dadkeenna iyo burburin, taas oo ah guusha keliya ee cadowgan dhibaatadu haleeshay.”

Abu Ubaida ayaa bulshada reer Gaza ugu baaqay in ay dulqaataan, guushana ay soo dhowdahay.

“Waxaan sii wadi doonnaa dagaalka aan kula jirno gumeystaha arxanka daran ee Sahyuuniyadda. Mar kasta oo ay isku dayaan inay gaaraan guul ama yoolkooda, waxay la kulmi doonaan jab aad u daran. Guul daradu waxay ka arki doonaan wejiyadooda.” Ayuu yiri Abu Ubaida.

Abu Ubaida ayaa intaa raaciyay “Waxaan nahay Gaza cirkeeda, hawadeeda, baddeeda iyo ciiddeeda, waana difaaci doonnaa illaa naqaska/neefta ugu dambeysa ee nolosha.”

Abu Ubaida ayaa ugu dambayn u mahadceliyay xoogaga wax iska caabinta gobolka ee ku garab siinaya dagaalkan ay kula jiraan Ciidamada Israel, isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Xisbullah, Xuuthiyiinta Yemen iyo kuwa ka hawlgala dalka Ciraaq.

Dagaalka Marinka Gaza ayaa galay maalintii 225aad, iyadoo aysan Israel weli xaqiijin hadafkii ay ugu duushay dhulka ay muddada dheer go’doominta ku hayso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc