Home Wararka Maanta Afar nin oo ku eedeysan dilka laba nin oo wada dhashay oo lagu qabtay Degmada Cadale

Afar nin oo ku eedeysan dilka laba nin oo wada dhashay oo lagu qabtay Degmada Cadale

by Laacib

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku soo dhigay afar nin oo ku eedeysan in ay ka dambeeyeen dilka nin dhakhtar ahaa iyo nin kale oo la dhashay, oo habeen hore loogu gaystay duleedka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Raggan ayaa lagu eedeeyay in dilka ay ka gaysteen deegaanka Ilix oo qiyaastii 40km dhanka bari uga beegan Degmada Guriceel. Weerarka ayaana la sheegaya in ay gaysteen, xilli dhibaneyaasha ay habeen bar hurdeen hoygooda.

Ciidanka Hay’adda NISA ayaa raggaasi ka soo xiray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyagoo isku dayaayay in ay u baxsadaan dhanka Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka NISA ay raggaasi ku wareejiyeen laamaha amniga ee Guriceel, si halkaasi ay uga bilaabato dhageysiga dacwadda loo haysto.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin ayaa xaqiijiyay in eedeysaneyaasha ay hadda ku xiran yihiin xabsi ku yaala magaalada.

Gudoomiyaha oo faah faahinayay waxa ay ahaayeen ragga la dilay ayaa yiri “Labada nin ee la dilay midi waxa uu ahaa dhakhtar, midka kalena macalin ayuu ahaa. Habeen hore saacadda markay ahayd 2-da habeenimo ayuu falku dhacay, iyagoo gurigooda jiifa.”

Gudoomiyaha ayaa yiri “Eedeysaneyaasha waa afar nin, waxayna ka baxsadeen Gobolkan Galgaduud, waxaana lagu qabtay Gobolka Shabellaha Dhexe, gaar ahaan Degmada Cadale. Marka intaas oo dhul ah ayay mareen, waxayna dhex mareen kooxaha Khawaarijta ee Al Shaabab, oo runtii aan aaminsanahay inay iyaga ka dambeeyeen falka, markii horena ay kala shaqeeyeen. Marka deegaanada ay nimankaasi xukumaan ayay dhex mareen, ka dibna waxay isku dayeen inay halkaas ka galaan Gobolka Banaadir.”

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaa gacanta ku dhigay Ciidanka Nabad Sugidda Somaliya, ka dibna annaga ayay nagu soo wareejiyeen.”

Faarax Cabdi Macalin, Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa intaasi ku daray in wixii ka dambeeyo berrito ay magaalada ka bilaaban doonto maxkamadeynta raggaasi.

Dilka labada nin ee walaalaha ah ayaa qayb ka ah dilalka aanooyinka beelaha ee muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanayay Gobolka Galgaduud.

Raggan ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo Macalin Liibaan Xasan Cismaan.

Dr. Axmed Xasan ayaa ka hawlgalayay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, balse uu weerarka la kulmay, xilli uu booqasho u yimid deegaankii uu ka soo jeeday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc