Home Wararka Maanta Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar degdeg ah ku yimid Magaalada Muqdisho

Agaasimaha CIA-da Mareykanka oo safar degdeg ah ku yimid Magaalada Muqdisho

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns ayaa Arbacadii booqasho aan la sii shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada ay si dhow uga wada hadleen xiisadda ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1-dii bishan dhex maray Itoobiya & Somaliland iyo sida uu u saameynayo Geeska Afrika.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Talaadadii sheegay in Washington ay kala shaqeynayso Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, sidii looga hortaggi lahaa heshiiskaasi.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhab ah uga walaacsan yahay heshiiska.

John Kirby ayaa ku celiyay in Mareykanku uu aqoonsan yahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Heshiiskan oo ay gaareen Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Itoobiya u ogolanaya in bad kiro ah laga siiyo Badda Cas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag uga horyimid heshiiskaasi ayaa sheegay inaanu dhaqangal noqon doonin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc