Home Wararka Maanta Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka oo xilka la wareegay (SAWIRRO)

by Laacib

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdixakiin Maxamed Yuusuf ayaa maanta xilka la wareegay, ka dib munaasabad ka dhacday Villa Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 18-kii bishan magacaabay Agaasimaha cusub, ka dib markii dhawaan uu is casilay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Maxamuud.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub iyo Agaasimihii hore.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo dhammaan maamulka iyo hawlwadeennadii la soo shaqeeyay.

Agaasimaha cusub oo horey u ahaa La taliyaha Dhinaca Siyaasadda ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa munaasabadda xilwareejinta ku soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo adkeeyay sida ay maamul iyo hawlwadeen waajib ugu tahay in Madaxweynaha lagu garab istaago dagaalka dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Abshir Bukhaari ayaa dhankiisa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada, waxa uuna Agaasimaha cusub u rajeeyay in Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc