Home Wararka Caalamka Ajaaniib ka shaqeyneysay gargaarka bani’aadantinimo oo lagu dilay Gaza

Ajaaniib ka shaqeyneysay gargaarka bani’aadantinimo oo lagu dilay Gaza

by Laacib

Wararka ka imaanaya Marinka Gaza ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay xalay duqayn ku dileen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adaha gargaarka caalamiga ah ee ka hawlgala Gaza iyo darawalkoodii oo muwaadin Falastiini ahaa.

Shaqaalahan ayaa u shaqeynayay Hay’adda World Central Kitchen, saacado uun ka dib markii hay’addu ay keentay Xeebaha Gaza markab cusub oo gargaar sida, oo soo maray baaritaan iyo marn badeed oo Mareykanku uu rajeynayo inuu noqdo dariiq kale, oo lagu badbaadinayo nolosha shacabka Falastiiniyiinta ee ku go’doonsan waqooyiga Gaza, iyadoo laga hortaggayo macluusha ay Qaramada Midoobey ka digtay in dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin.

Hay’adda World Central Kitchen ayaa sheegtay in gaarigii ay la socdeen shaqaalaheeda la duqeeyay, xilli ay ka soo laabanayeen gargaar qaybin ay ka wadeen waqooyiga Gaza.

Hay’adda ayaa Ciidamada Israel ku eedeysay kuwo ka masuul ah tallaabada lagu bartilmaameedsaday shaqaalaheeda, oo gacan ka gaysanayay dadaalada gurmadka bani’aadantinimo ee naf badbaadinta.

“Tani waa masiibo. Shaqaalaha gargaarka bani’aadantinimo iyo rayidka waa in aysan ebid bartilmaameed noqon.” Ayay hay’addu qoraal ku sheegtay.

Shaqaalahan samafalka ayaa la weeraray, mar uu gaarigoodu marayay bartamaha Marinka Gaza, gaar ahaan Deir al-Balah. Meydadka shantan qof ayaa la dhigay Isbitaalka Al-Aqsa.

Saddex ka mid dadka dhintay ayaa u dhashay Ingiriiska, Poland iyo Australia, halka kan afaraadna aan weli la aqoonsan dhalashadiisa.

Mid ka mid ah shaqaalaha ajaaniibta ah ee la dilay waxay ahayd haweeney Australian ah, taas oo magaceeda lagu sheegay Zomi Frankcom.

Dadkan ayaa la sheegay inay wateen qalab ilaalin oo leh astaanta hay’adda samafalka, mana cadda ujeedada ay Ciidamada Israel u beegsadeen.

Taliska Militariga Israel ayaase goor dambe sheegay inay dib-u-eegis ku sameynayaan dhacdada, si loo ogaado sababta keentay in shaqaalaha gargaarka la weeraro.

Israel ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeyso, sidii ay u sii wadi lahayd weeraradeeda cadowtinimada ah iyo gaajeysiinta dadka aan waxba galabsan.

Qaramada Midoobey ayaa dhawaan sheegtay in Israel ay sida hubka oo kale u adeegsaneyso gaajeysiinteeda dadka rayidka ah, isla-markaana ay abuureyso masiibo aan dabiici ahayn.

Qaramada Midoobey ayaa Israel ku dhalleeceysay in ay Gaza ka sameynayso masiibo gacan ku sameys ah, taas oo baalmarsan shuruucda caalamiga ah, isla-markaana ah dembi dagaal. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa iftiimiyay in gaajeysiinta shacabka Falastiiniyiinta ay qayb ka tahay istiraatiijiyadda ay Israel ka leedahay burburinta Xamaas.

Dembiyada sii kordhaya ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa madax xanuun ku riday bulshada caalamka, mana jirto cid si toos ah uga la xisaabtameysa amaba u ciqaabeysa, inkastoo uu soo xoogeysanayo baraarugga bulshada caalamka.

Israel ayaa si joogta ah ugu xadgudubto shuruucda caalamiga ah, marka aad eegto kororka dembiyadeeda ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc