Home Wararka Maanta Al Shabaab oo Degmada Jilib ku toogatay 7 nin

Al Shabaab oo Degmada Jilib ku toogatay 7 nin

by Laacib

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Axaddii toddobo nin ku toogtay fagaare ku yaala Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Xubnahan oo lagu toogtay Fagaaraha Macalin Aadan Xaashi Cayrow ee degmadaasi ayaa shan ka mid ah lagu eedeeyay inay u basaasayeen Sirdoonada Mareykanka iyo Kenya, halka labada kalena la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka ayaa goobta ka sheegay in raggaasi ay maxkamadda ka hor qirteen eedeymihii loo soo jeediyay.

Xubnaha la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa:-

Cali Bakar Yuusuf (Xamza Baajuuni) 32 jir

Juulo Muwan Joule Jaaka (Yaasir) 28 jir

Jamaal Idiris Nayaaga 23 jir

Talar Cabdulle Aadan 55 jir

Deeq Faarax Yuusuf 33 jir

Mursal Xasan Yuusuf 19 jir

Ibraahim Maxamed Ibraahim 27 jir

Waa tiradii ugu badneyd ee ay sanadkan Shabaabku ku toogtaan fagaare ku yaala dhulka ay maamulaan.

Shabaabka loogama baran inay soo bandhigaan caddeymo ku aaddan dadka ay xukunada dilka ahi ku fulinayaan, marka laga soo taggo oraahda looga bartay ee ah isagaa qirtay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc