Home Wararka Maanta Ali Bagheri Kani oo noqonaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran

Ali Bagheri Kani oo noqonaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran

by Laacib

Madaxweynaha KMG ah ee Iran, Mohammad Mokhber ayaa Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Ali Bagheri Kani u magacaabay Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Ali Bagheri ayaa sidoo kale ah hoggaamiyaha wada-xaajoodka barnaamijka nuclear-ka Iran iyo quwadaha adduunka.

Magacaabiddiisa ayaa ka dambeysay, ka dib geeridii Wasiirkii Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian, kaas oo ka mid ahaa masuuliyiintii la socotay diyaaraddii burburtay ee uu la socday Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa maanta Mohammad Mokhber u magacaabay Kusimaha Madaxweynaha, wuxuuna noqonaya Madaxweyne Kuxigeenkii ugu horreyay ee Iran ee si rasmi ah loogu magacaabo Kusimaha Madaxweynaha.

Ayatollah Ali Khamenei oo haysta awoodda ugu dambeysa ee Iran ayaa xaqiijiyay in Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxa fulinta ee dalka.

“Mokhber waxaa ku waajib ah in uu la diyaariyo madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka, si ay u doortaan Madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood.” Ayuu yiri Khamenei.

Mokhber ayaa hadda ahaa Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Sida uu dhigayo Qodobka 131aad ee Dastuurka Iran, Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ayaa bedelaya booska Madaxweynaha, haddii uu geeriyoodo Madaxweynuhu, illaa iyo inta laga qabanayo doorasho madaxtinimo, muddo 50 maalmood gudahood.

Khamenei ayaa goor sii horreysay ku dhawaaqay shan maalmood oo baraardiiq qaran ah, oo loo sameynayo madaxdii ka baxday qaranka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc