Home Wararka Maanta Ammaanka deegaanada Puntland oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka deegaanada Puntland oo si weyn loo adkeeyay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in laamaha amniga ay si weyn u adkeeyeen ammaanka deegaanada Puntland, xilli maanta ay Magaalada Garoowe ka dhaceyso Doorashada Madaxtooyada ee maamulkaasi.

Guddiga Amniga Doorashada Puntland ayaa gelinkii dambe ee Axaddii soo saaray awaamir cusub, oo lagu xaqiijinayo ammaanka deegaanada Puntland.

Ciidamada ammaanka ayaa saqdii dhexe ee xalay hakad geliyay isu socodka gaadiidka ee deegaanada iyo gobolada Puntland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire oo ka mid ah Guddiga Amniga Doorashada Madaxtooyada ayaa sheegay in isu socodka gaadiidka dib loo fasixi doono, marka ay doorashada soo idlaato.

“Laba dhinac baan ugu diyaargarownay, midna waa in guud ahaan amiga la sugo dalka oo dhan, maadaama uu doorasho gelayo, midda labaadna waa in goobta doorashada amnigeeda la sugo, lana yareeyo ciriiriga gaadiidka ee magaalada.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waa xaalad amniga la xiriirta amaradaasi yimid dhammaan gobolada oo dhan.”

Waxa uu sheegay in si weyn loo adkeeyay amniga Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe, halkaas oo lagu wado in ay ka qabsoomto Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Taliyaha ayaa musharaxiinta iyo dadka reer Garoowe ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga, si ay jewi nabdoon ugu qabsoomto doorashadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc