Home Wararka Caalamka Amnesty International oo muujisay in Israel ay khatar ku tahay xeerarka caalamiga ah

Amnesty International oo muujisay in Israel ay khatar ku tahay xeerarka caalamiga ah

by Laacib

Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah uu qarka u saaran yahay inuu burburo, sababo ku aaddan kororka isku dhacyada hubeysan.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, haweeneyda lagu magacaabo Agnes Callamard ayaa sheegtay inay bateen xadgudubyada ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah iyo xuquuqda.

“Sharciga caalamiga ah ee ku saleysan nidaamka (Kala dambeynta) ayaa qarka u saaran inuu burburo. Xadgudubyada ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah waa ay badanayeen, wayna kordheen xaqiiqdii, waxaana u sabab ah kororka iska horimaadyada hubeysan.” Ayay tiri Agnes Callamard.

Haweeneydan oo wareysi siisay VOA ayaa tiri “Dembiileyaashu keliya kuma xadgudbaan xeerarka caalamiga ah ee waxay raadiyaan inay marmarsiyo u helaan xadgudubyadaas, iyagoo adeegsanaya ereyga is difaacid ama inay ilaalinayaan amniga qaranka amaba inay ka hortaggayaan argagixisada.”

Agnes Callamard oo ka warameysay colaadda Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israel ay ku jeesjeestay sharciga caalamiga ah, marka aad eegto weerarada aan kala sooca lahayn ee ay ka gaysaneyso dhulka go’doonsan.

“Ka dib weeraradii argagaxa lahaa ee ay qaadeen Xamaas iyo kooxaha kale ee hubeysan ee dhacay October 7-deedii, Maamulka Israel waxa ay kaga jawaabeen duqaymo aan kala joogsi lahayn oo xagga cirka ah, oo ay ku qaadeen goobaha ay ku badan yihiin dadka rayidka ah, kuwaas oo inta badan lagu laayay qoysas dhan, iyaga oo xoog ku barakaciyay ku dhawaad ​​hal dhibic sagaal milyan (1.9 million) oo Falastiiniyiin ah, waxayna xadideen helitaanka gargaarka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay, iyadoo ay kordheyso khatarta macluusha ee Gaza.” Ayay tiri Agnes Callamard.

Waxa kaloo ay sheegtay in dagaalka Gaza lagu dilay tiradii ugu badneyd ee Saxafiyiin iyo shaqaalaha gargaarka.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Khamiistii sheegtay in tirada dadka lagu dilay Gaza ay gaartay 34,305 qof, halka dhaawacana ay ku sheegtay 77,293 qof. Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan dadkan ay yihiin dad rayid ah oo aan waxba galabsan, isla-markaana ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in xulafada reer galbeedka ee Israel ay ku guuldareysteen in ay joojiyaan dhiigga daadanaya, waxayna Mareykanka ku eedeysay in uu diidmada qaxayan ku hor istaagay dadaalada caalamiga ah ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey looga dalbanayay xabad joojinta ay dunida baahida weyn u qabtay.

Amnesty ayaa Mareykanka ku dhalleeceysay in weli uu Israel u daabulayo hubka iyo rasaasta ay gumaadka uga gaysaneyso Marinka Gaza, sharci ahaana uu noqonayo dembi dagaal.

Sidii caadada ahaydba, Israel ayaa si adag u beenisay in ay beegsaneyso dadka rayid ah, isla-markaana ay jebisay axdiga ka hortagga xasuuqa ama heshiiskii Geneva.

Israel waxay kaloo dafirtay in ay diiday in gargaarka bani’aadantinimo la gaarsiiyo Marinka Gaza, waana xilli Saraakiisha Qaramada Midoobey ay si adag ugu eedeeyeen in ay ciqaab wadareed ka gaysaneyso Gaza.

Israel waxay ka mid tahay 153 dal oo saxiixay axdiga mamnuucaya xasuuqa iyo dembiga.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa bishii February sheegay in Ciidamada Israel ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Gaza.

Volker Türk ayaa sheegay in burburinta ballaaran ee lagu hayo dhismayaasha Gaza, dilka iyo gaajeysiinta dadka rayidka ah ay u dhigmaan dembiyo dagaal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc