Home Wararka Caalamka Iran oo muujisay in Mareykanka uu xalka Gaza ka raadinayo meel aanu ka jirin

Iran oo muujisay in Mareykanka uu xalka Gaza ka raadinayo meel aanu ka jirin

by Laacib

Dowladda Iran ayaa sheegtay inaanan wax xal ahi loo heli doonin colaadda Marinka Gaza, illaa iyo inta ay dhinacyadu isla qaadanayaan heshiis si rasmi ah loogu soo afjarayo dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xamaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Hossein Amir-Abdollahian ayaa Sabtidii sheegay in loo baahan yahay in xoogga la saaro, sidii loo samayn lahaa xabad joojin degdeg ah oo dhameystiran, welibana aan wax shuruud ahi lahayn.

“Waa in xabad joojintu ay noqotaa mid joogto ah, in si buuxdo loo qaado go’doominta lagu hayo Marinka Gaza iyo in Ciidamada Israel ay isaga baxaan Gaza.” Ayuu yiri Wasiirka.

Waxa kaloo uu yiri “Waa in la helo damaanad qaad caalami ah, si dadku ay qaab ammaan ah ugu laabtaan deegaanadooda iyo guryahooda.”

Wasiirka ayaa sheegaya in intaasi ka dib ay dhinacyadu samayn karaan in maxaabiista ay is weydaarsadaan, iyadoo Xamaas ay sii deynayso dadka Israeliyiinta ah ee lagu soo qafaashay weerarkii October 7-deedii, Israel-na ay si la mid ah xabsiyadeeda uga sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta.

Hossein Amir-Abdollahian, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa muujiyay in wixii intaasi ka soo haro ay adkeynayaan in xal laga gaaro heshiiska xabad joojinta Gaza.

“Gaza uma baahna xabad joojin ku-meel-gaar ah ee waxay u baahan tahay xabad joojin waarta.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo u muuqday mid duraya hindisaha xabad joojinta kmg ah ee Mareykanka uu gadaal ka riixayo.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in Israel ay dembiyo dagaal ka gaysatay Marinka Gaza, isagoona ku baaqay in taasi lagu la xisaabtamo.

Wasiirka oo bogaadiyay baraarugga bulshada caalamka iyo sida dadka reer galbeedka ay uga soo horjeedaan falalka waxashnimada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Gaza ayaa soo jeediyay in Israel lagu soo rogo cunaqabateyn dhanka hubka iyo ganacsiga, welibana in si degdeg ah loogu soo rogo.

Wasiirka ayaa dalalka Islaamka, kuwooda taageera Israel ugu yeeray inay joojiyaan sida uu yiri dabadhilifnimada, isla-markaana ay ka shaqeeyaan, sidii Madaxda Israel loogu maxkamadeyn lahaa dembiyada ay ciidamadooda ka gaysteen dhulka Falastiiniyiinta.

Dowladda Kacaanka Islaamiga ah ee Iran waa dowladda qura ee Bariga Dhexe ee taageerada tooska ah siiso Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza.

Tehran ayaa la sheegaa inay Xamaas siiso taageero maaliyadeed, mid militari, tababaro iyo in saraakiisheeda qaar ay magangelyo siisay.

Tel Aviv ayaa horey ugu eedeysay Tehran inay door weyn ka qaadatay qorshaha iyo abaabulka weerarkii dhulka, cirka iyo badda lahaa ee ay Xamaas 7-dii bishii October ku qaadday dhulka ay Israel maamusho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc