Home Wararka Maanta Laamaha amniga oo tiro dad ah u soo xiray dilka Aadan Biid loogu gaystay Muqdisho

Laamaha amniga oo tiro dad ah u soo xiray dilka Aadan Biid loogu gaystay Muqdisho

by Laacib

Ciidamada amniga ayaa tiro dad ah u soo qabtay dilka xalay Sarkaal Booliska ka tirsanaa loogu gaystay Magaalada Muqdisho.

G/dhexe Aadan Cumar Axmed (Aadan biid) ayay kooxo hubeysan ku dileen agagaarka Dugsiga Tababarka Booliska General Kaahiye ee Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan dhanka Xaruntii Somali Fruit ama Dekedda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii dilka gaystay ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan goobtaasi, oo si weyn ammaankeeda loo ilaaliyo.

Laamaha amniga ayaa si adag loogu dhaliilay, sida ay ku suurtagashay in sarkaalkaasi lagu dilo xeendaab ay ku badan yihiin ciidamada, isla-markaana ay u baxsadaan kuwii dilay.

Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa hadda sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen dad lagu tuhunsan yahay dilka sarkaalkaasi.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in hay’adaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda dishay sarkaalkaasi, oo aan weli si dhab ah loo aqoon.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ay Warbaahinta dib kala soo wadaagi doonaan, wixii natiijo ah ee ka soo baxa baarista socota.

Dhanka kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuum Aadan Biid.

“Marxuumku ayaa muddo dheer u soo shaqeeyay Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu door wax ku ool ah ka soo qaatay dadaaladii dib-u-dhiska dowladnimada dalka, isagoona xilal muhiim ah ka soo qabtay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu muddo dheer ka tirsanaa. Aadan Biid wuxuu ku suntanaa waddaniyad iyo dal jaceyl, waxaana uu waqtigiisa inta badan ku bixiyay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Gudoomiye Aadan Madoobe oo warkan ku sheegay qoraal maanta ka soo baxay xafiiskiisa.

Aadan Madoobe ayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed Alle uga baryay in uu samir iimaan ka siiyo geerida marxuumka, isagiina uu uga rajeeyay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc