Home Wararka Maanta Amniga goobo ku yaala Muqdisho oo la adkeeyay, Villa Somalia ayaa ka mid ah

Amniga goobo ku yaala Muqdisho oo la adkeeyay, Villa Somalia ayaa ka mid ah

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Shirkadaha Diyaaradaha ee Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines ay hakiyeen duulimaadyadii ay maanta ku iman lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labada shirkadood ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ku wargeliyeen in Talaadadan ay joojiyeen duulimaadyadii shacabka ee Garoonka Aadan Cadde.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay soo saartay digniin ay ku sheegeysay in weeraro ay ka dhici karaan dhowr goobood oo ku yaala Caasimadda Muqdisho, garoonkuna uu ka mid yahay.

Mareykanka ayaa Talaadadan joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyadii Shaqaalaha Safaaradda Mareykanka ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, waana xilli Mareykanku uu Safaarad KMG ku leedahay Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan qaybta Xalane oo inta badan diblomaasiyiinta shisheeye ay degan yihiin.

Dhanka kale hay’adaha ammaanka ayaa la sheegaya in ay adkeeyeen amniga Garoonka Aadan Cadde, Aqalka Villa Somalia iyo Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maamulada hoteelada ay iyaguna dareen ka muujiyeen digniinta Mareykanka, isla-markaana ay feejignaan muujinayaan.

Digniintan ayaa xaalad amni ka abuurtay magaalada, iyadoona dadku ka baqdin qabaan in ay weeraro dhacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc