Home Wararka Maanta Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay

Amniga Magaalada Dhuusamareeb oo la adkeeyay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay si weyn u adkeeyeen amniga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidanka ay ciidamo dheeraaad ah geeyeen kontoroolada laga soo galo magaalada.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in sidoo kale ciidan xoojin ah la geeyay aagga waddada tagta Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay jiraan digniino laga muujinayo suurtagalnimada in mintidiinta Al Shabaab ay mar kale magaalada ku soo weerari karaan gaadiid walxaha qarxa lagu soo raray, ka dib labadii qarax ee Khamiistii ay ciidamadu ku fashiliyeen afaafka hore ee magaaladaasi.

Ciidamada ayaa lagu ammaanay in si geesinimo leh uga hortaggeen raggii la socday gaadiidka qaraxyada laga soo buuxiyay ee la doonayay in gudaha loo soo geliyo magaalada.

Dhanka kale magaalada ayaa waxaa ka bilowday olole taageero loogu muujinayo ciidamadii fashiliyay dhagartii argagixiso ee lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo dadka reer Dhuusamareeb.

Ololahan oo deeq lagu gaarsiinayo ciidamada ayaa waxaa hormuud ka ah Odayaasha Dhaqanka iyo Ururka Haweenka Dhuusamareeb.

Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa shalay dadka deegaanka ugu baaqay in ay garab istaaggaan ciidamada, isla-markaana ay la shaqeeyaan.

“Ciidamadiina amniga waad arkaysaan shaqada ay idiin qabteen, haddii qaraxaasi suurtagal ay noqon lahayd in magaalada dhexdeeda uu taggo intuu dhibaato gaysan lahaa iyo intuu ummad halaagi lahaa, waana la ogyahay wixii Beledweyne ka dhacay. Marka ciidamadiinu waxay mudan yihiin inaad aad iyo aad ula shaqeysaan, uga mahadcelisaan, u soo dhaweysaan, una garab istaagtaan.” Ayuu yiri Duqa Dhuusamareeb

Duqa Dhuusamareeb ayaa ballanqaaday inay abaalmarin doonaan ciidamada, sida dhiiranaanta leh isugu dhigay gaadiidkii miineysnaa, isla-markaana ay mudnaantooda siin doonaan.

“Anigoo Dowladda Soomaaliyeed uga wakiil ah mudnaantooda ayay helayaan.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cali Maxamed, Duqa Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dhuusamareeb ka sii wada abaabulka iyo dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc