Home Wararka Caalamka António Guterres oo booqday xadka Rafah ee kala qaybiya Masar iyo Gaza (SAWIRRO)

António Guterres oo booqday xadka Rafah ee kala qaybiya Masar iyo Gaza (SAWIRRO)

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres oo booqasho ku jooga dalka Masar ayaa maanta kormeeray xadka dalkaasi uu la wadaago Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa dadaal ugu jira, sidii gargaarka ku xaniban xadka Rafah loo gaarsiin lahaa shacabka Falastiiniyiinta ay ku go’doonsan Gaza.

“Waxaan si firfircoon uga la shaqeynaynaa Masar, Israel iyo Mareykanka, sidii gawaarida gargaarka ku raran looga diri lahaa halkan.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Mar sii horreysay Mareykanka ayaa sheegay in la isku afgartay in 20 gaari oo gargaar ah loo diro Gaza, ha yeeshee waxaa warkaasi gaashaanka u daruuray Saraakiisha Qaramada Midoobey, oo sheegay in maalintii loo baahan yahay 100 gaari oo gargaar sida oo ka gudba isgoyska Rafah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Warbaahinta kula hadlay xadka Rafah ayaa sheegay inay doonayaan in si joogto ah gaadiidka gargaarka sida loogu ogolaado inay u taggaan Gaza.

“Ma doonayno in gaadiid kooban loo ogolaado inay taggaan Gaza ee waxaan rabnaa gawaarida gargaarka in si macno leh loogu ogolaado inay kaalmada bani’aadanimo u gaarsiiyaan dadka rayidka ah ee u baahan.” Ayuu yiri Xoghayuhu.

Xoghayaha ayaa mar kale yiri “Waxaan aragnay baabuur badan oo ay ku raran yihiin biyo, cunto, iyo dawooyin, isla shay la mid ah oo looga baahan yahay dhinaca kale ee darbiga xuduudda. Kuwani waa khad nololeed. Waxay u yihiin farqiga u dhaxeeya nolosha iyo dhimashada dad badan oo Gaza ku nool.”

“Kuwani ma aha oo keliya baabuurta xamuulka qaada, laakiin waa marin nololeed. Baahi badan ayaa loo qabaa in baabuurtan ay sida ugu dhakhsaha badan ay u socdaalaan inta loo baahan yahay, gargaarkuna waa in uu noqdaa mid joogto ah.” Ayuu sii raaciyay António Guterres.

Guterres ayaa baaqiisa ku xoojiyay “Waxaan markhaati ka nahay in xaalado adag ay wajahayaan in ka badan laba milyan oo qof, oo u dhibaateysan biyo la’aan, cunto la’aan, dawo la’aan iyo shidaal la’aan, kuwaa oo dagaal uu ku socdo, una baahan wax walba, si ay u noolaadaan.”

Guterres ayaa intaasi ku daray “Ma raadinayno guul, waxaan raadinaynaa kolonyada si loogu ogolaado tiro macno leh inay maalin kasta galaan Gaza, si ay u siiyaan taageero ku filan dadka reer Gaza.”

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa si is daba joog ah ugu baaqaya in dunida ay si dhab ah ugu istaagto wax ka qabashada xaaladda ka sii dareysa ee ka jirta Gaza, Maamulka Israel-na lagu qanciyo soo afjaridda go’doominta muddada dheer ee saaran Gaza.

Duqaymaha sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza ayaa waxaa ku dhintay 4,137 qof, oo ay ku jiraan 1,524 carruur ah iyo 1,000 haween ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa tirada dadka dhaawacmay ku sheegtay 13,300 oo qof, halka 1,000 qof oo kalena la la’yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc