Home Wararka Caalamka António Guterres oo cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Ruushka

António Guterres oo cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Ruushka

by Laacib

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay go’aanka Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ku diiday in uu dib u cusbooneysiiyo heshiiskii Ruushka iyo Ukraine ee dibadda loogu dhoofinayay badarka dalkaasi.

Ruushka ayaa Isniintii sheegay inaanu qayb ka sii ahaan doonin heshiiskaasi, haddii sida uu ku dooday aanay faa’iido muuqan ugu jirin.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa diidmada Ruushka ku qeexay mid dhabar-jab ku ah dadka u baahan sareenka Ukraine ee ku nool meelo badan oo dunida ka mid ah.

“Go’aanka uu Ruushku ku joojinayo sii socoshada hindisaha badarka ee Badda Madow ayaa dharbaaxo ku noqon doona dadka u baahan.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Guterres ayaa hoosta ka xariiqay in go’aankan uu dunida ku keeni doono sicir barar kaloo baahsan, isagoona tani ku sheegay khatar aad u weyn oo dunida soo food-saartay.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ka digaya xiisad dhaqaale oo ka dhan ah suuqyada caalamiga.

Heshiiskan oo shaqeynayay muddo 12 bilood ah ayaa sahlay in Ukraine ay si nabdoon Dekedda Odessa ee koonfurta dalkaasi uga dhoofiso tacabkeeda beeraha, waxaana uu muddada heshiisku ku ekaa Isniintii.

Moscow waxay sheegtay in heshiiska ay dib ugu soo laaban doonto, marka loo ogolaado inay dibadda u iibgeyso wax soosaarkeeda beeraha iyo waxyaabaha kale ee loo isticmaalo bacriminta beeraha, isla-markaana laga taageero, sidii ay u heli laheyd lacagaha dhakhliga ee uga soo xarooda dalageeda, haddii ay Reer Galbeedku saareen cunaqabateyn dhaqaale.

Ruushka iyo Ukraine ayaa ka mid ah dalalka dibadda u iibgeeya qamadiga ugu badan ee dunida laga isticmaalo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc