Home Wararka Caalamka António Guterres oo duray dhibaatada baahsan ee Israel ka gaysaneyso Gaza

António Guterres oo duray dhibaatada baahsan ee Israel ka gaysaneyso Gaza

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale dhalleeceeyay dhacdooyinka naxdinta leh, ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa sheegay in uu ka argagaxay weerarka ay Ciidamada Israel u gaysteen gaadiidka gurmadka degdegga ee dhaawacyada ka qaaday Isbitaalka Al-Shifa, kuna sii jeeday xadka Rafah ee Masar.

Gaadiidkan ayaa la weeraray, xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka Al-Shifa, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaraddu waxay sheegtay in 15 qof ay ku dhinteen weerarkaasi, 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Aad ayaan uga argagaxay weerarka laga soo sheegay Gaza ee lagu qaaday kolonyo ambalaas ah oo ku sugnaa bannaanka Isbitaalka Al-Shifa.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxa kaloo uu yiri “Sawirrada meydadka oo daadsan waddada bannaanka hore ee isbitaalka waa wax laga xumaado.”

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in muddo bil ku dhow ay dadka rayidka ah ee Gaza, oo ay ku jiraan carruur iyo haween la go’doomiyay, loo diiday gargaar, lana dilayo, isla-markaana guryahooda looga soo saaray duqaymaha baahsan ee Ciidamada Israel halkaasi ka wadaan.

Xoghayaha ayaa Ururka Xamaas ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan maxaabiista Israeliyiinta, ee ay ku haystaan Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa hoosta ka xariiqay in si degdeg ahi loogu baahan yahay in colaadda loo joojiyo, isagoona yiri “Tani waa in la joojiyaa.”

Mar uu ka hadlayay xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza ayuu sheegay inay tahay mid aad looga naxo.

“Cunto, biyo iyo dawo ku filan sooma galaan, si loo daboolo baahiyaha dadka. Shidaalka isbitaalada iyo waraabka dhirta ayaa gabaabsi ah.” Ayuu yiri Xoghayaha oo intaasi ku daray in Ciidamada Israel ay sidoo kale duqaymo ka gaysanayaan Xarumaha Qaramada Midoobey ee Gaza.

“Meydadka ayaa buux dhaafiyay, dukaamadana waa faaruq. Xaaladda fayadhowrku waa mid aad u xun, waxaana aragnaa kororka cudurada iyo cudurada neef-mareenka, gaar ahaan carruurta. Dadka oo dhan ayuu dhaawac soo gaaray, meel ammaan ah ma jirto.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres.

Xoghaye Guterres ayaa ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, isagoona dhinacyada ku booriyay inaanan la carqaladeyn helitaanka sahayda iyo adeegyada kale ee muhiimka ah, waana in si badbaado leh loogu ogolaado buu yiri Gaza guud ahaan heerka u dhigma xaaladdan naxdinta leh.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa ku celceliyay in Ciidamada Israel ay dembiyo dagaal ka gaysanayaan Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc