Home Wararka Caalamka Antony Blinken oo ka degay Magaalada Tel Aviv

Antony Blinken oo ka degay Magaalada Tel Aviv

by Laacib

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa maanta gaaray Magaalada Tel Aviv, iyadoona ay Israel uga bilaabatay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe.

Xoghayaha ayaa booqashadiisa Tel Aviv ku muujinayo, sida Washington ay u garab taagan tahay Israel, ka dib weerarkii uu dhiigga badani ku daatay ee Xamaas Sabtidii ka gaysatay dhulka la haysto.

Xoghayaha ayaa shir jaraa’id oo si wadajira ay u qabteen Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ka sheegay in Mareykanku uu xilli kasta garab taagan yahay Israel.

“Farriinta aan soo gaarsiiyay Israel waa tan, waxaa laga yaabaa inaad adiga iskaa u xoog badan tahay, isna difaaci karto, balse inta Mareykanku uu jiro weligeyd taas ma dhici doonto, maxaa yeelay had iyo jeer waanu idiin garab taaganahay, taasina waa farriinta uu Madaxweyne Biden u soo gudbiyay Raysal Wasaaraha, markii ay bilaabatay dhibaatadani.” Ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Xoghaye Blinken ayaa la sheegaya in uu gacan ka gaysan doono dadaalada socda ee lagu doonayo in ay Xoogaga Xamaas ku sii daayaan dadka ay ku soo qafaasheen weerarkaasi. La haysteyaasha ayaa waxaa ku jira muwaadiniin u dhashay dalkaasi Mareykanka.

Blinken ayaa sidoo kale Masar iyo Israel kala shaqayn doona, sidii loo heli lahaa marin nabdoon oo dadka reer Gaza ay kaga soo baxaan magaalada.

Blinken ayaa lagu wadaa in Israel uu uga sii gudbo dhanka dalka Jordan, oo uu kulamo kula leeyahay Boqor Abdalla iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas.

Socdaalka Blinken ee gobolka ayaa la sheegaya inaanay qayb ka ahayn waan waan nabadeed oo laga dhex bilaabo Xamaas iyo Israel, tani oo muujineysa inay aad u yar tahay rajada laga qabo in si dhakhsa ah loo soo afjaro colaadda.

Dad badani ayaa ka walaacsan inay sii daba dheeraato falcelinta ay Israel kaga aargudaneyso weerarkaasi, oo galbeedkuna ay ku sheegeen is difaacid.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii daba-yaaqada toddobaadka, israel ayaa duqayn lixaad leh ka gaysatay Gaza, oo ay ku dhinteen kun iyo dhowr boqol oo qof, kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc