Home Dhacdooyin Arday toogasho ka gaystay iskuulkii uu wax ka baranayay (SAWIRR0)

Arday toogasho ka gaystay iskuulkii uu wax ka baranayay (SAWIRR0)

by Laacib

Ardaygan ayaa toogashada ka gaystay Dugsi Sare oo ku yaala Gobolka Iowa ee dalkaasi Mareykanka, sida ay laamaha amnigu xaqiijiyeen.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in 17-ka jirkan uu Khamiistii rasaas ku furay Dugsiga Sare ee Perry.

Saraakiisha ayaa sheegay in arday uu ku dhintay toogashadaasi, shan kalena ay ku dhaawacantay.

Toogashada ayaa dhacday, xilli ay ardaydu ka soo laabteen fasaxa gaaban ee Ciidda Christmas-ka, waana maalintii koowaad ay casharada ka bilaabanayeen iskuulkaasi.

Qaybta Dembi Baarista ee Gobolka Iowa ayaa wiilka toogashada gaystay u aqoonsatay Dylan Butler, kaas oo dhiganayay iskuulkaasi.

Ardaygan ayaa la sheegay in markii dambe uu isagu is toogtay, hay’adaha ammaankuna ay baarayaan sababta ka dambeysay dhacdadaasi.

Mitch Mortvedt, Kaaliyaha Agaasimaha Waaxda Dembi Baarista ee gobolkaasi ayaa sidoo kale sheegay in la baarayo halka wiilkaasi uu ka keenay qorigii iyo bastooladdii uu ku hubeysnaa.

Wiilkan ayaa ka yar da’da shacabka Mareykanka ee loo ogolyahay inay hubka iibsan karaan, guryahoodana ay ku haysan karaan.

Sharciga Mareykanka ayaa mamnuucaya in wixii ka yar 18 sano aysan dukaamada hubka ka iibsan karin hubka ay muwaadiniintu haysan karaan.

Shacabka oo hubeysan awgeed ayaa dalkaasi ka dhigtay mid ay toogasho wadareedyada ku soo noqnoqdaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc