Home Dhacdooyin ATMIS oo wareejisay amniga Villa Somalia iyo Xarunta Baarlamaanka (SAWIRRO)

ATMIS oo wareejisay amniga Villa Somalia iyo Xarunta Baarlamaanka (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS ayaa maanta bilaabay in ay wareejiyaan masuuliyadda amniga ee Aqalka Madaxtooyada Qaranka iyo Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Muqdisho.

Taliska ATMIS ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si buuxda ugu wareejiyay masuuliyadda ilaalinta ee amniga Villa Somalia.

Munaasabad ka dhacday Villa Somalia ayay ciidamadu kula wareegeen amniga Madaxtooyada, iyadoo la wareegideeda uu Somaliya u saxiixay La taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud, halka dhanka kalena uu u saxiixay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Ciidanka ATMIS ayuu qorshuhu yahay in illaa 31-ka bishan ay wareejiyaan illaa 10 xarumood, oo qaarkood ay ku yaallaan Caasimadda Muqdisho, markaas oo la fillayo in dalka ay kala baxaan illaa 3,000 oo askari. Tani ayaa qayb ka ah qorshaha dhimista ee tirada Ciidanka Hawlgalka ATMIS ka jooga dalka.

Ciidanka Midowga Afrika ayaa banneynaya xarumo ay muddo dheer deganaayeen, ka dib is bedel dhanka amniga ah oo laga dareemay meelo ay ka mid tahay Muqdisho.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa bartiisa X ku sheegay “Tani waa guul muhiim ah oo marag u ah horumarka wadajirka ah ee la sameeyay sanadihii la soo dhaafay.”

War ka soo baxay Taliska ATMIS ayaa lagu yiri “Tallaabadan muhiimka ah aya astaan dib u curashada wejiga 2aad ee dhimista Ciidamada ATMIS.”

Danjire Mohamed El-Amine Souef, Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa wareejinta Aqalka Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka ku sheegay farriin ay Dowladda Soomaaliyeed u dirtay Beesha Caalamka.

“Waa guul weyn iyo calaamad wanaagsan oo Dowladda Somaliya ay u dirtay Beesha Caalamka ee ay iskaashiga leeyihiin, oo ay u muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay masuuliyadooda qaataan.” Ayuu yiri Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa sheegay in 31-ka December ay saxiixi doonaan qoraalka rasmiga ah ee dhammaadka wejiga labaad ee dhimista ciidamada.

Danjiraha ayaa tilmaamay in muddo laba toddobaad ah ay ku wareejinayaan illaa 10 saldhig, isla-markaana ay wareejin ka dib dalka kala bixi doonaan 3,000 oo askari, oo la qorsheeyay in ay dalalkooda dib ugu laabtaan.

Ciidanka ATMIS oo Dowladda Federaalka ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ayaa muddo dheer gacanta ku hayay amniga Villa Somalia.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc