Home Wararka Caalamka Australia oo sheegtay in Israel ay duqayn ku dishay laba ka mid ah muwaadiniinteeda

Australia oo sheegtay in Israel ay duqayn ku dishay laba ka mid ah muwaadiniinteeda

by Laacib

Dowladda Australia ayaa xaqiijisay in laba ka mid ah muwaadiniinteeda ay Ciidamada Israel ku dileen duqayn ay habeen hore ka gaysteen koonfurta dalka Lubnaan.

Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia, Mark Dreyfus ayaa maanta sheegay in muwaadiniintooda ay ku dhinteen weerarada xagga cirka ee Ciidamada Israel ka fuliyeen koonfurta Lubnaan.

“Ibrahim Bazzi iyo walaalkiis Ali Bazzi ayaa lagu dilay duqaynta cirka ee Talaadadii ka dhacday Magaalada Bint Jbel ee koonfurta Lubnaan.” Ayuu yiri Mark Dreyfus.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa goor sii horreysay sheegtay in nin, walaalkii iyo xaaskiisa lagu dilay duqayn ay Israel ka gaysatay guri ku yaala Bint Jbeil, oo qiyaastii 2km u jirta xuduudda Lubnaan iyo Israel.

Ururka Xisbullah ee ka arrmiya koonfurta Lubnaan ayaa laga soo xigtay in mid ka mid ah muwaadiniinta Australian-ka ah uu ka tirsanaa xoogagooda dagaalka kula jira Ciidamada Israel.

Mark Dreyfus, Kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Australia ayaa yiri “Xisbullah waxay ku andacootay in mid ka mid ah Australian-ka uu ka tirsanaa dagaalyahanadeeda. Weydiintayadu way sii socotaa.”

Dreyfus oo sii hadlayay ayaa yiri “Xisbullah urur argagixiso ayuu uga diiwaan-gashan yahay Australia. Waa dembi in qof kasta oo Australian ah uu la shaqeeyo amaba uu taageero, iskaba daa inuu ka barbar dagaalamo urur argagixiso, sida Xisbullah.”

Waxa uu sheegay in Xukuumadda Canberra ay Tel Aviv kala hadashay hawlgalkeeda hawada, isla-markaana ay ka dalbatay in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah.

“Marka la eego colaadda hadda jirta, Australia waxay si joogto ah ugu baaqday in nolosha rayidka la ilaaliyo, waxaana si joogto ah u soo bandhignay walwalkayaga ku aaddan khatarta ah in colaadda ay baahdo.” Ayuu yiri Dreyfus.

Dreyfus ayaa Xisbullah ugu baaqay “Waxaan ugu baaqaynaa Xisbullah inay joojiyaan weerarada ay ku hayaan Israel. Waxaan sii wadi doonnaa inaan la shaqayno wadamada saameynta ku leh gobolka, si aan uga hortagno fidno kale.”

Ugu dambayn Dreyfus ayaa muwaadiniinta Australia uga digay inay u safraan dalka Lubnaan, isagoona kuwa kale ee ku sugan ugu baaqay in ay si dhakhsa ah uga soo baxaan dalkaasi.

Xiisadda Lubnaan iyo Israel ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay cirka isu shareertay, iyadoona ay kordhayaan duqaymaha ay isku weydaarsanayaan deegaanada ku teedsan xadka.

Tan iyo markii ay colaaddan dib uga soo dhex cusboonaatay Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa xoogeysanaya calamaadaha muujinaya in dagaalku uu ku fidi karo meelo badan oo gobolka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc