Home Wararka Maanta Axmed Karaash oo kormeeray fariisimaha Ciidamada SSC (SAWIRRO)

Axmed Karaash oo kormeeray fariisimaha Ciidamada SSC (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kormeeray fariisimaha ay Ciidamada SSC ku leeyihiin duleedka Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa Saraakiisha Ciidamada kula kulmay deegaanka Salinta Guumays, oo ay ciidanku ku leeyihiin difaacooda hore ee ay ka difaacayaan magaalada.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Saraakiisha Ciidamada ku bogaadiyay dagaalkii xooganaa, ee ay Jimcihii Militariga Somaliland kaga qabsadeen fariisimihii ay ku lahaayeen Maraaga iyo Goojacadde.

“Saraakiisha waxaan ku bogaadinayaa sida naf huridda leh, ee ay uga difaaceen dalkooda iyo dadkooda duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday, aniga oo kula dardaarmay inaysan gaysan haba yaraatee wax gabood fal ah, balse ay iska difaacaan cid walba oo isku dayda qalqalgelinta deegaankooda.” Ayuu yiri Axmed Karaash.

Axmed Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisa Gobolka Sool uu la xiriiro arrimo shaqo oo uu gobolkaasi u tegay.

Laascaanood iyo deegaanada hoostagga ayaa waxaa weli ka muuqanaya raadadkii ay kaga taggeen dagaaladii billooyinka xiriirka ah ka socday.

Magaalada ayaa weli u muuqato mid wajaheysa xaalad ciidan, marka aad eegto ciidamada faraha badan iyo gaadiidka dagaalka ee lagu dhex arkayo magaaladaasi.

Inkastoo dadka reer Laascaanood ay barakac uga maqan yihiin magaalada, haddana qaarkood ayaa bilaabay in ay dib guryahooda ugu soo laabtaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc