Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada kala hadlay dardargelinta hawlgalada

Axmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada kala hadlay dardargelinta hawlgalada

by Laacib

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gelinkii dambe ee maanta shir guddoomiyay shir degdeg ah, oo uu Golihiisa Wasiirada kaga la hadlayay hawlgalada ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Xagar, ka dib in ka badan 15 sano oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka arriminayeen.

Shirka oo sidoo kale uu ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa diiradda lagu saaray, sidii ciidamadu ay u sii wadi lahaayeen hawlgalka dib-u-xoreynta deegaanada Jubbaland.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in hawlgalka lagu qabtay Xagar uu bilow u yahay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Mar sii horreysay Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay in hawlgalku uu noqon doono mid dadka reer Jubbaland lagaga dulqaadayo maleeshiyadaasi.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa in muddo ahba wadday qorshe wejiga labaad ee hawlgalka loogu qabanayo dhulka ay Shabaabku ka maamulaan deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc