Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Shabaab (SAWIRRO)

Axmed Madoobe oo iclaamiyay guluf ka dhan ah Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa Arbacadii iclaamiyay dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab, mar uu booqanayay deegaanka Janaay Cabdalle oo 60km dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa halkaasi ku leh fariisimo laga ilaaliyo amniga Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo.

Madaxweynaha oo deegaankaasi u tegay, si uu ugu kuurgalo xaaladda deegaanka iyo shaqooyinka ay ciidanka ka hayaan ayaa la kulmay Saraakiisha iyo Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jubbaland ay goor dhow qaadi doonto hawlgal ka dhan ah Al Shabaab, isagoona ciidamada kula dardaarmay in ay u diyaargaroobaan wejiga labaad ee dagaalka.

“Dalkaa idin sugaya, dadkaa idiin baahan, tabashada dadkaa garaneysaan waxa ay tahay, taa aan ku talagalno.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa kaloo uu yiri “Isku tashigayna annagu ayuu muhiim noo yahay, duruufta aan ku jirno iyo xaaladda lagu jiro ee si walba leh waa midda maanta halkaa aan ku soo gaarnay.”

Axmed Madoobe ayaa xusay in Saraakiisha Ciidamada ay ka wada hadli doonaan arrinta hawlgalka iyo qorshaha ay tahay in lagu wajaho Al Shabaab.

Dowladda Federaalka ayaa gadaal ka riixeysa in wejiga labaad ee hawlgalka laga bilaabo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo 14-kii bishan tegay Magaalada Kismaayo ayaa Axmed Madoobe kala hadlay, sidii deegaanada maamulkaasi looga bilaabi wejiga xigga ee gulufka lagu xoreynayo dhulka maqan.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale Arbacadii ku dhawaaqday hawlgal ay ciidamadu ku qabanayaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Koonfur Galbeed.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa sheegay in mar dhow ay hawlgalada ka bilaaban doonaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Wasiirka oo socdaal ku maraya Degmooyinka Gobolka Bakool iyo xadka gobolkaasi uu la wadaago Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay wadaan diyaargarowgii ugu dambeeyay ee hawlgalka Shabaabka looga kicinayo deegaanada ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa dhaca dhul ay ku xoogan yihiin maleeshiyada Shabaabka, si ka duwan gobolada kale ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc