Home Wararka Maanta Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo Daraawiish ah (SAWIRRO)

Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo Daraawiish ah (SAWIRRO)

by Laacib

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo cusub, oo ka mid noqonaya Ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa ciidamadan tababarka ugu soo xiray Dugsiga Guutada Birjeex ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadan ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu tababarayay Akadeemiyadda Guutada Birjeex, taas oo si gaar ah loogu tababaro ciidamada cusub ee ku biiraya Daraawiishta Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka haadlayay munaasabaddaasi ayaa macalimiinta iyo saraakiisha kaleba ku ammaanay in ay waqti badan geliyeen, sidii ay u soo saari lahaayeen ciidan u diyaarsan dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ayaa muujiyay in ciidanka ay u caaboon yihiin ciribtirka kooxaha argagixisada, isagoona u sheegay in hawlgalkii ay sugayeen uu bilaabanayo.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay warbixinta janaraalka iyo ciidankan oo muddo dheer ku jiray tababar, aana filayo maanta inay u diyaarsan yihiin hawlgalka lagu la dagaalamayo Khawaarijta. Waxa ugu badan cabashada ciidankuna ay ahayd goormaan hawlgelaynaa iyo ma dugsiga ayaa ku sii jiraynaa. Marka waxaan rabaa inaan idiin sheego koorsadiina waa xiran tahay, hawlgalkiina waa bilaabanayaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad baan ugu mahadcelinayaa macalimiintii ka qayb qaadatay iyo saraakiishiiba muddadii tababarku socday, iyadoo muddadii tababarka uu socdayna wax badan xog ogaal uga ahaa, sida ay ciidamada tababarka u qaadanayeen. Aad baan uga mahadcelinayaa oo u hambalyeynayaa qof kasta oo ka qayb qaatay tababarkaas.”

Axmed Madoobe ayaa ciidanka xusuusiyay in ay wajahayaan col dhan kastaba ay muuqaalka isaga egyihiin, balse ay ku kala duwan yihiin dhibaatada ay kooxahaasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoona kula dardaarmay in ay ka ka dulqaadaan shacabka.

“Maanta hooyooyinka ku go’an deegaanada ay joogaan way qaylinayaan oo waxay sugayaan in si’ laga yiraahdo oo laga soo qabto oo way inoo yeeranayaan. Taas daraadeed aan u diyaargarowno.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ciidamadan ayaa gaaraya dhowr boqol oo askari, waxaana goobtaasi lagu soo bandhigay dhowr iyo labaatan gaari oo nooca dagaalka ah, kuwaa oo qaybtood loogu talagalay in ay ku hawlgalaan.

Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ay ciidamada u qaybiso, wixii hub iyo rasaas ah ee la qorsheeyay in la siiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc