Home Wararka Maanta Axmed Siciid Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha KMG ee Laanta Socdaalka

Axmed Siciid Maxamed oo loo magacaabay Agaasimaha KMG ee Laanta Socdaalka

by Laacib

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa Axmed Siciid Maxamed u magacaabay in uu noqdo Agaasimaha KMG ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Somaliya.

Wasiirka ayaa qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiskiisa ku soo magacaabay Agaasimaha cusub.

Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa toddobaadkii hore dalka isaga baxay, iyadoona Khamiistii uu Xafiiska Xeer Ilaalinta ku soo daray liiska 18 Sarkaal oo lagu soo eedeeyay musuq-maasuq.

Eedeysaneyaasha oo u badan xubno xilal ka hayay Dowladda Federaalka ayaa isugu jira Agaasimeyaal, Agaasime Waaxeedyo, xubno ka tirsanaa Laanta Socdaalka, ruqsad siinta ajaaniibta iyo canshuuraha.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in xubnaha la soo eedeeyay ay sagaal ka mida xiran yihiin, sagaalka kalena ay maqane yihiin.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Maxkamadda Gobolka Banaadir u gudbiyay dacwad ka dhan ah xubnahaasi ayaa maxkamadda ugu baaqay inay soo muddeyso dhageysiga dacwadda ka dhanka ah eedeysaneyaasha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc