Home Dhacdooyin Baarashuut siday sahay gargaar oo 5 qof ku dilay waqooyiga Gaza

Baarashuut siday sahay gargaar oo 5 qof ku dilay waqooyiga Gaza

by Laacib

Shan qof ayaa ku dhintay Jimcihii, dhowr kalena way ku dhaawacmeen, ka dib markii baarashuut uu ku fashilmay in gargaarka bani’aadantinimo ee xagga hawada looga soo daadinayo dadka Gaza uu si caadi ah ugu soo dhaco dhulka.

Baarashuut-ka oo waday xirmo gargaar ayaa la sheegay inaanay u bixin dallaayadda lagu boodo ee nooceeda rarka loo adeegsado, taas oo keentay in xirmada gargaar ay si khaldan ugu soo dhacdo goob ay isugu soo baxeen dad ku sugnaa waqooyiga Gaza, oo doonayay in kaalmadaasi bani’aadantinimo ay qaataan.

Diyaaradaha militariga ee dalalka gobolka iyo kuwa reer galbeedka qaarkood ayaa maalmihii ugu dambeysay xagga cirka gargaar uga daadinayay dadka ku nool waqooyiga Gaza, iyagoo adeegsanaya baarashuutyo, si sahayda gargaarka oo aan burburin ay dadka u gaarto.

“Shan qof ayaa dhintay, ka dib markii hal baarashuut uu ku guuldareystay in xirmada gargaar uu si nabada ku soo gaarsiiyo dhulka. Xirmada ayaa Jimcihii ku soo duldhacday dadkii gargaarka doonayay.” Ayay ku warantay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Xafiiska Warbaahinta Xamaas ayaa wax aan faa’iido lahayn ku tilmaamay gargaarka bani’aadantinimo ee cirka, iyagoona ku baaqay in la ogolaado in gargaarka uu si nabdoon ku soo maro dhinaca dhulka.

Ma cadda cidda ku lugta leh shilka. Mareykanka, Jordan, Masar, Faransiiska, Netherlands iyo Belgium ayaa maalmihii la soo dhaafay gargaarka ku daadinayay waqooyiga Gaza, iyadoo ay dunida ka walaacsan tahay khatarta macluusha ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Boqortooyada Jordan ayaa iska fogeysay in diyaarad laga leeyahay dalkaasi ay ku lug lahayd dhacdadaasi.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Mareykanka iyo Jordan ay mar kale Jimcihii iska kaashadeen gargaar ay si wadajir ah xagga cirka uga daadinayeen dadka reer Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka, General Patrick Ryder ayaa sheegay in diyaaradahooda aysan ku lug lahayn shilka ay dadka ku dhinteen.

“Waxaanu xaqiijinay in dhammaan xirmooyinkeenna gargaarka ay si nabad ah ugu soo dhaceen dhulka.” Ayuu yiri General Patrick Ryder.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in rubac ka mid ah 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza ay qarka u saaran yihiin macluul, carruurtuna ay gaajo u dhimanayaan.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dad ku dhintaan, tan iyo markii diyaaradaha ay bilaabeen in xagga hawada ay gargaarka ku gaarsiiyaan shacabka ay nugleeyeen weerarada baahsan ee Ciidamada Israel.

Tani ayaa sidoo kale imaanaysa, xilli Madaxweyne Joe Biden uu Khamiistii sheegay in Ciidamada Mareykanka ay deked macmal ah ka sameyanayaan Xeebaha Gaza ee Badda Mediterranean-ka.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dekedda ku-meel-gaarka ah ay halkaasi uga dhisayaan, si looga dejiyo sahayda gargaar, isagoo intaasi ku daray in dekeddu ay kordhin doonto garagarka gelaya Gaza.

Biden ayaa xaqiijiyay in Militariga Mareykanka aysan degi doonin amaba fariisimo ka sameysan doonin goobta dekedda laga dhisayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc