Home Wararka Maanta Baarlamaanka Puntland oo qaatay go’aan ka duwan midkii Madaxweyne Deni (SAWIRRO)

Baarlamaanka Puntland oo qaatay go’aan ka duwan midkii Madaxweyne Deni (SAWIRRO)

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa taageeray go’aankii shalay ay soo saareen Odayaasha Dhaqanka ee la xiriiray Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Xildhibaanada ayaa maanta u codeeyay in ay muddo sanad ah ku kordhistaan muddo xileedkooda, oo ku eg 31-ka bishan December.

Xildhibaanada ayaa sii joogi doona 12-ka bilood ee ina soo aaddan, iyagoona 8-da bisha January ee sanadka soo socda soo dooran doona Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

41 Xildhibaan ayaa ogolaaday go’aankii Odayaasha Dhaqanka, una arkayn xal lagaga gudbi karo caqabadaha ku gadaaman doorashada, kaasoo sidoo kalena muddo kordhin u sameynayay Baarlamaanka 5aad Puntland ee hadda jira, sida qoraalka Odayaasha Dhaqanka ku jirtay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa intaasi ka dib ku baaqay in loo diyaargaroobo doorashada 8-da January.

“Guddigii Doorashadana waan ku dhawaaqi doonnaa sida ugu dhakhsiyaha badan, Insha’Allah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ku dhawaaqay in maamulku uu ka tanaasulay doorashadii qofka iyo codka ahayd, isagoona xusay in doorashada ay ku laabaneyso nidaamkii hore ee wax lagu soo dooran jiray ee qabaa’ilada.

Go’aanka Baarlamaanka Puntland ayaa liddi ku ah warkii xalay ka soo yeeray Madaxweyne Deni ee sheegayay in Odayaasha Dhaqanka ay soo xuli doonaan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyagana ay markaasi soo dooran doonaan Madaxweynaha iyo Kuxgeenkiisa.

Madaxweynaha ayaa beelaha ugu baaqay in ay soo doortaan Xildhibaanadooda, si 8-da January ay doorasho uga dhacdo Puntland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa u muuqdo kuwo ka booday in xubnaha soo socda ee Baarlamaanka lagu soo xulo nidaamkii hore ee beelaha, sida uu Madaxweynuhu ku baaqay.

Guddoonka Baarlamaanka Puntland ayaa ku baaqay in maamulka cusub ee la soo doorto, Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyada SIyaasadda ay muddo 12 bilood ah ku diyaariyaan doorashada soo socota ee Baarlamaanka ee qof iyo cod ah.

Puntland ayaa waxaa billihii la soo dhaafay hareeyay khilaaf ka dhashay nooca doorasho ee Puntland ka qabsoomeysa bilowga sanadka cusub.

Maamulka ayaa dadaal badani ugu jiray in Puntland ay ka qabsoomto doorasho qof iyo cod ah, oo markii ugu horreysay lagu soo dooranayo Madaxtooyada iyo Baarlamaanka, balse Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka biyo diiday, marka aad eegto waqtiga ay Guddiga Doorashooyinka Puntland shaaciyeen ee ah in doorashada la qaban doono 25-ka bisha February, taas oo dhaafsiisan muddo xileedka Madaxtooyada oo ku eg 8-da bisha January.

Maadaama uu qorshahaasi socon waayay, Madaxweyne Deni ayaa go’aansaday in doorashadan ay noqoto tii ugu dambeysay ee lagu soo doorto nidaamkii hore ee beelaha, balse uu durbaba mucaaradad kala kulmay Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc