Home Wararka Maanta Bannaanbax ka dhacay Magaalada Guriceel (SAWIRRO)

Bannaanbax ka dhacay Magaalada Guriceel (SAWIRRO)

by Laacib

Bannaanbaxan ayaa ahaa mid ay dadka reer Guriceel kaga soo horjeedaan dilkii xalay magaalada loogu gaystay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Huudey, oo la dhashay Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey.

Nin hubeysnaa ayaa xalay fiidkii ku dhex dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada, oo sidaasi aan uga fogayn Saldhigga Guriceel, iyadoona dilka ka dib ay u suurtagashay in goobtaasi uu ka baxsado.

Cabdullaahi Cali Huudey oo nin dhallinyaro ahaa ayaa dhawaan ka qalin jebiyay jaamacad ku taala magaalada, kaas oo mar sii horreysay loo diiwaangeliyay dadka deegaanka ee loo abaabulay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Ma cadda cidda dishay marxuumka iyo waxa uu dalkiisu salka ku hayo, balse waxaa jira warar sheegaya in dilkiisu uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Guriceel, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa dadweynaha kala qaybgalay bannaanbaxaasi.

Bannaanbaxayaasha oo isugu soo baxay Aargada Guriceel ayaa waxaa halkaasi kula hadlay qaar ka mid ah waxgaradka iyo dhallinyarada deegaanka, oo wax laga xumaado ku tilmaamay sida xaqdarada ah ee loo daadiyay dhiigga ninkaasi dhallinyarada ah.

Dadka reer Guriceel oo codkoodu uu mid ahaa ayaa ku baaqay in sharciga la horkeeno cid kastoo ka masuul ahayd falkaasi.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in maamulka iyo hay’adaha ammaanka ay iska kaashanayaan, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dembiilaha.

Gudoomiyaha ayaa bulshada deegaanka ka codsaday in ay gacan ka gaystaan soo qabashada ninkaasi baxsadka ku maqan.

Haldoorka reer Guriceel ayaa walaac dhanka amniga ah ka muujiyay falka guracan ee lagu dilay marxuumka, iyagoona dadka deegaanka ku booriyay in ay hal meel kaga soo wada jeestaan kuwa doonaya in ay dhexdooda is dilaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc