Home Wararka Maanta Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Erdogan oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Bannaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Erdogan oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo dib u doorashada Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa Axaddii ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee dalkaasi ka dhacday, isagoona tartanka doorashada kaga adkaaday musharaxii isbahaysiga mucaaradka, Kemal Kilicdaroglu.

Bannaanbaxan oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon, waxaana lagu muujinayay sida bulshada reer Muqdisho ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweyne Erdogan. Bannaanbaxa ayaa waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Kuxigeenadiisa, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka, Xildhibaano iyo dadweyne kale.

Dadweynihii ka qaybgalay isu soo baxaasi ayaa sitay sawirada Madaxweyneyaasha Somaliya & Turkiga, calamada labada dal iyo boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ay ka mid yihiin “Garabkaaga ayaan nahay, sidaad adiguba noo garab istaagtay.”

Yuusuf Xuseen Jimcaale, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Erdogan uu ummadda Soomaaliyeed u soo gurmaday, xilli ay baahi badan qabtay.

“Madaxweyne Erdogan waa u hiiliyihii Magaaladan Muqdisho, waa gargaarihii ummadda Soomaaliyeed ee dhibaateysneyd, sidaa darteed ayaa waxay keenaysaa saacad walba iyo mar walbaba inaan garab-taagnaano. Runtii waa Madaxweyne iyo shacabkiisii oo is wato noo muujiyay is garab-taag dhab ah.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo intaa ku daray “Waxaan leenahay Erdogan noolow oo guuleyso.”

Madaxweyne Erdogan ayaa sanadkii 2011 indhaha caalamka ku soo jeediyay Somaliya, xilligaas oo Gobolada Koonfurta ay ka jireen abaaro ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay rubac milyan qof. Erdogan oo xilligaasi Raysal Wasaare ahaa ayaa dunida tusay in la tagi karo Somaliya, oo markaasi uu booqasho taariikhi ah ku yimid, xilli caalamka uu dalka u arkayay meel aan la tagi karin.

Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay, iyadoo uu ka taageero arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dib u doorashada Madaxweyne Erdogan ayaa ka dhigan in uu xilka sii hayn doono 5-ta sano ee soo socota, iyadoona ay xusid mudan tahay inuu Turkiga soo maamulayay 20-kii sano ee ugu dambeysay.

Madaxweyne Erdogan ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee soo mara Turkiga casriga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc