Home Wararka Caalamka Barakac ka soconaya bartamaha Gaza, ka dib weerar ay ku dhinteen 274 qof, kuna dhaawacmeen 698 kale

Barakac ka soconaya bartamaha Gaza, ka dib weerar ay ku dhinteen 274 qof, kuna dhaawacmeen 698 kale

by Laacib

Wararka ka imanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in dadka rayidka ah ay isaga barakacayaan xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa Sabtidii aagga ay dadka rayidka ah ku badan yihiin ka fuliyay hawlgal ay ku soo furteen afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, laguna soo qafaashay weerarkii October 7-deedii.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa intii uu socday hawlgalka ay duqaymo ba’an ka gaysteen xeradaasi iyo goobaha ku dhow dhow, iyadoona ay duqaymahaasi ku dhinteen 274 qof oo dad rayid ah, 698 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Marinka Gaza ayaa Axaddii sheegay in Israel ay gaysatay weerar arxan-darro ah, isla-markaana ay goobaha caafimaadka la halgamayaan dhaawacyada dadka faraha badan, kuwaa oo qaarkood ay xaaladdoodu aad u liidato.

Hawlgalkan ayaa baqdinta ku kordhiyay dadkii rayidka ahaa ee halkaasi gabaadsanayay, ka dib maalmo ay Israel duqaymo ka waday Nuseirat iyo deegaanka ay ku taalo ee Deir Al-Balah.

Ciidamada Israel ayaa Arbacadii olole militari ka bilaabay xerada qaxootiga Bureij ee deegaanka Deir Al-Balah, taas oo ku dhow xerada Nuseirat.

Xeryahan ayaa waxaa toddobaadyo ka hor buuxdhaafiyay boqolaal kun oo qof, oo ku soo barakacay qaybaha dhexe ee Marinka Gaza, markii laga soo barakaciyay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, ka dib gulufkii dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel horaantii bishii May ka bilaabeen deegaankaasi.

Barakaca haatan ka soconaya Nuseirat ayaa xoojinaya barakaca kale ee ay sameynayaan dadkii kale ee ku soo barakacay xerada kale ee Bureij. Xeryahan waxay ka mid yihiin sideedda xero qaxooti ee ku yaala Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in dadkan ay u barakacayaan deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza. Khan Yunis ayaan ka fogeyn Rafah oo waxaa u dhaxeeyo uun deegaanka Al-Mawasi.

Dadka ka baxsanaya hawlgalka dib looga bilaabay bartamaha Marinka Gaza ayaa qaarkood barakacaya markii 5aad.

Dadkan ayaa la sheegaya inaysan tagi karin waqooyiga Marinka Gaza, sababo ku aaddan Ciidamada Israel ee degan barta kala qaybisa koonfurta iyo waqooyiga oo diidan in ay isu kala gudbaan.

Labadii toddobaad ee ugu dambeysay ayaa waxaa aad u kordhay tirada dadka rayidka ah ee ay Ciidamada Israel ku dilayaan koonfurta iyo bartamaha ee Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa joogteynaya weerarada ay sida aan kala sooca lahayn ugu leynayaan shacabka la dhibaatoonaya, sidii ay u heli lahaayeen raashiinka iyo biyaha.

Tan iyo bilowgii dagaalka 37,084 qof oo dad rayid ah ayaa lagu dilay colaadda Gaza, halka 84,494 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in dhibaneyaasha ay u badan yihiin dumar iyo carruur.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc