Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo farriin u dirtay dhinacyada ku lugta leh colaadda Laascaanood

Beesha Caalamka oo farriin u dirtay dhinacyada ku lugta leh colaadda Laascaanood

by Laacib

Saaxiibada caalamiga ee Somaliya ayaa cambaareeyay wax kasta oo sii hurinaya xiisadda muddada sideedda bilood ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Saaxiibada caalamiga ayaa ku baaqay in la joojiyo abaabulka ciidan ee jira, lagana fogaado wax kasta oo xaaladda kaga sii dari kara.

Waxay ku baaqeen in dhinacyadu ay isla qaataan xabad joojinta bilaa shuruud ah, iyadoo xaaladda lagu soo celinayo mid caadiya.

Bayaan ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin wararka sheegaya in maxaabiis badan lagu qabtay dagaalka.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah, waxaana filaynaa kuwa ku lugta leh inay u hoggaansamaan sharciga xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada, gaar ahaan ilaalinta shacabka iyo kaabeyaasha rayidka.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Dhanka kale Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dhinacyadu ay furaan wadiiqo kasta, oo gurmadka bani’aadanimo lagu gaarsiin karo dadka u baahan, iyadoo aanay jirin wax carqaladeyn ah.

Warka Beesha Caalamka ayaa imaanaya, xilli Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi uu Sabtidii ku hanjabay in ciidamadiisa ay aargudan doonaan.

Ciidanka SSC ayaa Jimcihii la wareegay gacan ku haynta Xerada Militariga Goojacadde, oo Ciidanka Somaliland ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee Gobolka Sool, ka dib dagaal culus oo ka dhacay aagga Maraaga, oo dhaca waddada xiriirisa Magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc