Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

by Laacib

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay hannaanka geeddi-socodka ee Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee lagu wado in 25-ka bishan ka qabsoomto Gobolada Bariga Puntland, iyadoo dhanka kalena dhinacyada siyaasadda ugu baaqday in ay xaliyaan khilaafaadka jira.

“Ka hor Doorashada Goleyaasha Deegaanka Puntland ee 25-ka May, saaxiibada caalamiga ee Somaliya waxa ay ku ammaanayaan shacabka Dowlad Goboleedka Puntland go’aankooda ku aaddan in ay ka dhabeeyaan rabitaankooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed.” Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Beesha Caalamka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “La hawlgalayaashu waxay qireen dadaalka, gaar ahaan Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee u diyaargarowga dhacdadan taariikhiga ah ee doorashada tooska ah.”

Hirgelinta doorashadan qofka iyo codka ah ayaa khilaaf siyaasadeed ka dhex dhalisay Madaxtooyada Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Saaxiibada caalamiga ayaa daneeyeyaasha siyaasadda Puntland ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan, sidii doorashadu ugu qabsoomi laheyd jewi degan iyo inay xaliyaan khilaafaadka ka dhalan kara hirgelinta qaab dhismeedka doorashada.

“La hawlgalayaashu waxay ku dhiirigelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka gaystaan, ​​sidii doorashadu ugu dhici laheyd jewi nabdoon iyo in wax laga qabto su’aalaha ama khilaafyada ka dhalan kara wada hadalka iyo qaab dhismeedka sharciga.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “La hawlgalayaashu waxay aaminsan yihiin in khibradda Puntland ee doorashooyinka tooska ah ay awood u leedahay inay ku wargeliso oo ay dhiirigeliso fidinta dimoqraadiyadda Somaliya oo dhan, heer kasta oo dowladeed. La hawlgalayaasha ayaa weli ka go’an inay taageeraan hannaanka dimoqraadiyeynta Somaliya.”

Mucaaradka ayaa dalbanaya in la joojiyo doorashada daba-yaaqada bishan ka dhaceysa Puntland, iyagoona u sababeeyay inaanan heshiis lagu ahayn, xaalad amnina ay ka abuuri karto Puntland.

Doorashadan lagu tijaabinayo midda Goleyaasha Deegaanka ayuu qorshaha Puntland yahay in si toos ah loogu weeciyo doorashada maamulka, ee lagu wado inay qabsoomto horaanta sanadka soo socda.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Sool ayaa mar sii horreysay waxa uu sheeay inaanan xasaasiyad badan laga qabin Doorashada Goleyaasha Deegaanka, balse ay siyaasiyiintu ka walaacsan yihiin qaabka ay noqon doonto Doorashada Madaxtooyada, bacdamaa aysan kala caddeyn, waana xilli ay billo uun ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa horey u soo dooran jiray Madaxweynaha, balse Madaxtooyada Puntland ayaa markaan damacsan in laga guuro nidaamka doorashada dadban, loona guuro midda tooska ah ee dadweynuhu wax soo dooranayaan, tani oo ah mid ka mida waxyaabihii uu ballanqaaday Madaxweyne Deni, xilligii uu u ololeynayay doorashadiisii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc