Home Wararka Caalamka Benny Gantz oo culeyska ku kordhiyay Raysal Wasaaraha Israel

Benny Gantz oo culeyska ku kordhiyay Raysal Wasaaraha Israel

by Laacib

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada ee dagaalka ayaa iska casilay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, xilli uu Raysal Wasaaruhu u dabaaldegayay guusha hawlgalkii naadirka ahaa ee Sabtidii lagu soo furtay afar ka mid ah la haysteyaashii lagu qafaashay weerarkii October 7-deedii.

Benny Gantz oo xalay Warbaahinta ka soo muuqday ayaa Raysal Wasaaraha ku dhaliilay inuu xagal-daacinayo in ciidamadu ay xaqiijiyaan yoolashooda dagaalka.

“Netanyahu wuxuu naga horjoogsanayaa inaan guul ka gaarno dagaalka Marinka Gaza iyo burburinta Xamaas” Ayuu yiri Benny Gantz.

Waxa uu sheegay in go’aanka uu xisbigiisa uga la baxaayo xukuumadda wadaagga uu yahay mid adag oo xanuun badan, balse lagu khasbay.

“Taasi waa sababta aan uga tagayno dowladda.” Ayuu yiri siyaasigan oo intaasi ku daray in sideed bilood ka dib aanu qayb ka sii ahaan doonin golaha dagaalka, isagoona yiri “Sababtoo ah xaaladda dalka iyo qolka go’aan qaadashada ayaa is bedelay.”

Waxaa uu xusay in Raysal Wasaaruhu uu danihiisa gaarka ah ka hormarinayo istiraatiijiyadda dagaalkan ay kaga jiraan Marinka Gaza.

“Go’aamada istiraatiijiga ee masiiriga ah ayaa la kulmaya laba labeen iyo dib-u-dhac, arrimo siyaasadeed awgood.” Ayuu yiri Gantz.

Gantz ayaa Netanyahu ugu baaqay inuu qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, taasoo dhabarjab ku ah xukuumadda uu Netanyahu hoggaamiyo.

“Waxaan ugu baaqayaa Netanyahu inuu muddeeyo doorasho la isku waafaqsan yahay, dadkeenana uusan sii kala qaybin.” Ayuu yiri Gantz.

Gantz ayaa 18-kii bishii May ku hanjabay in uu ka bixi doono xukuumadda uu hoggaamiyo Netanyahu, haddii aysan wax qorshe ah ka yeelan dagaalka Gaza iyo Israeliyiinta lagu haysto, isagoona u qabtay in 8-da June oo Sabtidii ku beegneyd uu la yimaado qorshe cad oo kaga aaddan dagaalka aan natiijada lahayn, haddii kalena aanu ka sii mid ahaan doonin xukuumaddiisa.

Gantz ayaa habeen hore si lama filaan ahayd u baajiyay shir jaraa’id oo la qorsheeyay, laguna waday in uu kaga dhawaaqo in xisbigiisa uu kala baxay xukuumadda, ka dib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Ciidamada Israel ay soo samatabixiyeen afar ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Marinka Gaza.

Netanyahu oo fursaddaasi ka faa’iideysanaya ayaa ninkaasi ugu baaqay inaanu ka tagin xukuumadda, isla-markaana uu ka laabto go’aankiisa.

“Waqtigan waa waqtigii midnimada ee maaha waqtigii la kala qaybsami lahaa. Waa inaan midownaa dhexdeenna, si aan u wajahno howlaha waaweyn ee ina horyaalla.” Ayuu yiri Netanyahu.

Xukuumadda Netanyahu ayaa weli haysata aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka ee 64-ka kursi ee ka midka ah 120-ka kursi ee uu ka kooban yahay Aqalka Knesset-ka, balse saameynta ninkaasi uu leeyahay ayaa Netanyahu uga dhigan guul darro weyn oo siyaasadeed. Ninkan ayaa horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada.

Ka dib markii Bariga Dhexe ay dib uga soo cusboonaatay colaadda Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, Gantz ayaa loo arkayay ninka ugu dhow Raysal Wasaare Netanyahu, waxaana uu ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka, ka hor inta uusan bishii October ku biirin Golaha Wasiirada ee dagaalka. Golahan ayaa la sameeyay afar maalmood uun ka dib weerarkii kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ay 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Si ay u burburto xukuumadda ayaa waxaa Netanyahu ka hortaagan keliya 5 xubnood oo iska casila Xildhibaanada Baarlamaanka ee baritaara xukuumaddiisa.

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu Gantz isaga casilay Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu.

Yair Lapid ayaa horey ugu hanjabay in uu ka shaqayn doono ridista xukuumadda amaba inuu Netanyahu qaato heshiis nabadeed, oo horseedi kara in la haysteyaasha Israeliyiinta ay iyagoo badqaba guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Netanyahu ayaa tan iyo bishii October dhexda uga jiray guul darrooyin is biirsaday, iyadoona uu mucaaradad xoog leh kala kulmay gudaha, oo ay u dheer tahay cadaadiska iyo dhalleeceynta caalamiga ah ee uu la kulmayo, ee ka dhalatay inuu ku adkeysanayo in la sii wado dagaalka Gaza.

Netanyahu ayaa xukuumaddiisa lagu cambeereeyay inaysan wax qorshe ah ka lahayn dagaalka lagu hoobtay, isla-markaana aan natiijada lahayn ee ka sii soconaya Marinka Gaza, tiiyoo aysan haddana dooneyn in la soo afjaro.

Duulaankan ayaa guux iyo buuq siyaasadeed ka abuuray Israel, marka aad eegto khasaaraha ay ciidamadooda kala kulmayaan meedaanka dagaalka.

8 bilood oo Ciidamada Israel ay ka dagaalamayeen Marinka Gaza waxay ku fashilmeen inay xaqiijiyeen saddexdii hadaf ee ay ugu duuleen, ee kala ahaa burburinta Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc