Home Wararka Caalamka Biden oo bogaadiyay xabad joojinta ay Israel sameynayso

Biden oo bogaadiyay xabad joojinta ay Israel sameynayso

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa soo dhaweeyay xabad joojinta bani’aadantinimo ee ay Israel sameynayso, taas oo looga gol leeyahay gargaarka bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Israel ayaa sheegtay in maalin kasta ay afar saacadood hakin doonto dagaalka ay kula jirto Ururka Xamaas, si gargaarka loo gaarsiiyo Marinka Gaza, dadkuna ay si nabdoon uga soo baxaan waqooyiga Gaza, una taggaan dhinaca koonfureed ee magaalada.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xabad joojinta bani’aadantinimo aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin dagaalka uu sheegay inay ku wiiqayaan Ururka Xamaas.

Madaxweyne Biden ayaa ku tilmaamay go’aanka Israel ee ay dhowrka saacadood ku hakineyso dagaalka tallaabo loo qaaday dhanka wanaagsan.

“Muddo toddobaadyo ah ayaan Madaxda Israel kala hadlayay muhiimada ay leedahay xabad joojin bani’aadantinimo, si loo badbaadiyo dadka rayidka ah, loo kordhiyo qulqulka cuntada, biyaha iyo dawada Gaza, loona taageero sii deynta la haysteyaasha.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Biden ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan, sidii loo kordhin lahaa tirada gaadiidka ee sida maalinlaha ah gurmadka bani’aadantimo u gaynaya Gaza.

“Waxaan sameynaynaa wax walba oo awooddeenna ah, si aan u kordhino saadka iyo gargaarka bani’aadantinimo. Laba maalmood ka hor waxaa jiray 96 baabuur oo sahay ah iyo 106 baabuur shalay, balse waxaan u baahanahay inaan aragno wax badan dhawaan. Waxaan higsanaynaa ugu yaraan 150 baabuur maalin kasta in halkaasi la geeyo.” Ayuu yiri Biden.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, John Kirby ayaa dhankiisa sheegay in xabad joojinta kooban sidoo kale looga faa’iideysan karo in la soo samatabixiyo la haysteyaasha.

Kirby ayaa wax wanaagsan ku sheegay in ay isku dayaan in iyagoo badqaba dib guryahooda loogu soo celiyo maxaabiista Israeliyiinta ay Xoogaga Xamaas ku haystaan Gaza.

La haysteyaasha oo u badan kuwo haysta laba dhalasho ayaa waxay qaarkood haystaan dhalashada dalka Mareykanka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc